Galmudug oo qaadacday Shirka uu Farmaajo ku baaqay [Akhri Sababta]

Image

DHUUSAMAREEB - Madaxweynaha Galmudug, Axmed Ducaale Geelle [Xaaf] ayaa wuxuu si rasmi ah uu ugu dhawaaqey inaanu soo xaadiri doonin labo shir oo deg deg ah kuwaasi oo uu ku baaqey Madaxwayne Farmaajo.

Shirarkaan oo la iclaamiyey inay ka dhici doonan magaalo madaxda dalka ayaa mid waxaa lagu heshiisinayaa hogaanka Galmudug, halka midka kale uu yahay Gollaha Amniga Qaranka.

War saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyadda Galmudug, oo nuqul kamid ah lasoo gaarsiiyey Warsidaha Garowe Online ayaa lagu sheegay inaanu jirin khilaaf haatan ka dhaxeeya madaxda maamulkaan.

Villa Soomaaliya ayaa lagu sheegay bayaanka inay soo abaabuleyso muranka siyaasadeed ee ka jira maamulkaan, iyo qalalaasho dhinaca amniga ah xii loogu baaqey inay faragelinta ka dayso.

"Galmudug uma baahna xalkeeda in la'isugu yimaado Muqdisho, ee waxay ubaahan tahay in laga daayo faragelinta, lagana saaro dadka dheeriga ku ah, qalalaasaha abaabulana ka wada degaanada Galmudug," ayaa lagu yiri warka kasoo baxay xafiiska Madaxwaynaha Galmudug.

Qodobadii kasoo baxey shirkii Gollaha Iskaashiga dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka, kaasi oo nuxurkiisu ahaa inay madaxda dowladda ku fashilmeen fulinta heshiisyo hore, amniga, iyo faragelin ayaa bayaanka lagu tibaaxey inay dowladda iska indha tireyso.

Ugu dambeyn, Beesha Caalamka iyo dowladaha daneeya arrimaha Soomaaliya ayaa loogu baaqey inay dowladda Federaalka ku cadaadiyaan sidii ay faragelinta uga dayn lahayd maamulka Galmudug, sida lagu xusey Bayaanka Madaxtooyada maamulkaan kasoo baxey.

Galmudug ayaa tan iyo markii la aas-aasey 2014 waxaa hareeyey muran siyaasadeed xili midka haatan taagan uu qarka usaaran yahay inuu maamulka yeesho labo Madaxwayne, iyo labo Gudoomiye Baarlamaan.

HOOS KA AKHRI WAR SAXAAFADEEDKA:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Ka Taagan Bartamaha Soomaaliya kadib Markii Al-Shabab la wareegtay Degmo muhiim ah

Si looga jawaabo weerarkaasi, dagaalyahanada Macawiisleey, oo ah maleeshiyo bulsho oo taageerta dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 11:16AM

Xasan Shiikh oo ka soo muuqdey Antalya xilli Soomaaliya ay wajahayso qalalaase amni iyo siyaasadeed

Sawirkan oo aad loogu falceliyay baraha bulshada, ayaa yimid xilli dalka…

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 01:47AM