Galmudug oo xukun adag ku riday Suxufi 'war been' ah tebiyay

Image

DHUUSAMAREEB - Maxkamad ciidan oo ay leedahaya Galmudug, kana howlgasha Dhuusamareeb, ayaa xukun Lix bilood oo xabsi ah ku riday maanta wariye Maxamed Cabdi Tooxow oo kamid ah suxufi la shaqeeya Idaacad ku taalla Muqdisho.

Suxufiga oo xabsiga la dhigey 22-kii bishaan ayaa muddo asbuuc ah ku jirey xabsi isagoo xeer-ilaalintu kusoo eedaysey baahinta warar been abuur ah, kuwaasi oo wax u dhimaya amaanka iyo xasiloonida Galmudug.

Xasan Gayrte oo ah Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Galmudug ayaa sheegay maanta oo Axad ah in xukunka wariyaha uu yahay mid waafaqsan xeer ciqaabeedka maamulka.

Wariye Tooxow ayaa ah Wakiil wareedka Idaacada Kulmiye oo xarunteedu tahay magaalada Muqdisho iyo Muuq-baahiyaha Universal  TV, oo uga soo warami jiray magaalada Dhuusamareeb.

Soomaaliya oo xasilooni darro ka jirtay 25-kii sano ee lasoo dhaafay, ayaa lagu tilmaamaa inay tahay meesha ugu halista badan ee uu wariye ka howlgalo caalamka, waxaana loo geystaa suxufiyiinta tacadiyo kala duwan iyo dilal, aan loo ciqaabin kuwa geysta.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Xiisad Ka Taagan Bartamaha Soomaaliya kadib Markii Al-Shabab la wareegtay Degmo muhiim ah

Si looga jawaabo weerarkaasi, dagaalyahanada Macawiisleey, oo ah maleeshiyo bulsho oo taageerta dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 11:16AM

Xasan Shiikh oo ka soo muuqdey Antalya xilli Soomaaliya ay wajahayso qalalaase amni iyo siyaasadeed

Sawirkan oo aad loogu falceliyay baraha bulshada, ayaa yimid xilli dalka…

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 01:47AM