Ganacsade lagu dilay Muqdisho iyo wararkii ugu dambeeyay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Rag bastoolado hubeysan ayaa maanta oo Axad ah magaalada Muqdisho ku fuliyay fal khaarijin ah, oo lagu beegsadey mid kamid h Ganacsatada magaalada caasimadda ah.

Goobjogee la hadlay Warsidaha Garowe Online ayaa sheegay in Cabdi Cismaan Afrax oo loo yaqaano (Cabdi Biifane) lagu dilay saaka Xaafadda Ex-control xilli uu gurigiisa kasoo baxay, kuna sii jeeday goobtiisa shaqo.

Sida Eheladiisu xaqiijiyeen, Cabdi Biifane waxuu ahaa Ganacsade soo dejiya Gawaarida iibka ah, ee dibadda laga soo dhaafiyo, iyadoo uu goob ganacsi ku lahaa nawaaxiga KM-4, ee Muqdisho.

Waxay sheegeen inay aad uga arggaxeen dilka Cabdi Biifane, oo rag hubeysan ay rasaas ku fureen markii uu Gurigiisa kasoo baxay, kadibna ka qaatey gaari uu watey. Rasaasta waxaa ku dhaawacmay mid kamid ah caruurtiisa.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda dilka Ganacsadaha, iyadoo sheegtay inuu ahaa sarkaal katirsan waaxda canshuuraha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Si kastaba, dilkan ayaa qeyb ka ah falal lid ku ah amniga oo ka dhacaya magaalada Muqdisho, oo ah xarunta ay ku shaqeyso dowladda Federaalka, oo lagu dhaliilay inay ka gaabisay sugida amaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Ka Taagan Bartamaha Soomaaliya kadib Markii Al-Shabab la wareegtay Degmo muhiim ah

Si looga jawaabo weerarkaasi, dagaalyahanada Macawiisleey, oo ah maleeshiyo bulsho oo taageerta dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 11:16AM

Xasan Shiikh oo ka soo muuqdey Antalya xilli Soomaaliya ay wajahayso qalalaase amni iyo siyaasadeed

Sawirkan oo aad loogu falceliyay baraha bulshada, ayaa yimid xilli dalka…

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 01:47AM