Garoon ku yaala bartamaha Soomaaliya oo qarax lagu burburiyey

Image
Image
Image

BUULA BURTE, HirShabelle – Qaraxyo la sheegay in ay ahaayeen Miinooyin ayaa waxaa lagu waramay in saaka ay ka dhaceen garoonka diyaaradaha magaaladda Buula-burde, gobolka Hiiraan ee maamulka HirShabelle.

Saraakiisha amniga ayaa xaqiijiyey in miinooyinka lagu aasay qeybta nasashada garoonka isla markaana aysan jirin khasaaro nafeed oo ka dhashay, marka laga reebo waxyeelo maaliyadeed oo aad u balaaran.

"Qaraxyadda oo jugtooda aad u culus waxay dhaceen aroornimadii saaka. Waxyeeladda waxay u badan tahay mid maaliyadeed, maadaama aysan waqtigaa cidba joogin qeybta nasashada," ayay yiraahdeen.

Sawirro laga soo qaadey goobta ayaa muujiyey burbur lixaad leh oo soo gaarey madaarka qeybtiisa nasashadda gaar ahaan saqafka sarre oo jiin-gad ahaa isla markaana uu u baahan dayactir baaxad weyn.

Maleeyshiyaadka Al-Shabaab oo maalmihii lasoo dhaafay weeraro kala duwan ka fulisay gobolka Hiiraan ayaana lagu eedeeyay falkaas.

Dhowr illo wareed oo dhanka amniga ah ayaa u sheegay Garowe Online in ciidamada dowladda iyo AMISOM ay howlgal miino baaris ah ka sameeyeen aagaas si ay u hubiyaan hadii ay jiraan qaraxyo kale.

Bishii Maaj 15-keeda sanadkii 2014-kii ayay ahayd markii ciidanka AMISOM iyo kuwa xoogga dalka ay dib ula wareegeen Buula-burde oo dhacda bartamaha Soomaaliya

Dhacdadaan ayaa imaaneysa xilli isla xalay weerar toos ah iyo mid hoobiyeyaal lagu ekeeyay saldhiga ciidamadda Itoobiya ee degaanka Halgan ee isla gobolka Hiiraan, wallow uusan caddeyn khasaaraha.

Maamulka HirShabelle ayaa sheegay in weeraradda isa soo taraya ee Al-Shabaab ka geysaneyso gobolka ay sabab u yihiin howlgalada ka socda Shabeellaha Hoose "maadaama ay kasoo fir-xadeen degaanadda gobolkaas".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM