Garoonka Muqdisho oo qashinka laga mamnuucay iyo xeebta oo dayacan

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gudaha garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, Aadan Cadde, ka mamnuucday qashinka, sidda laga soo xigtay war-saxaafadeed.

Bayaanka oo ku taariikheysan 1-da bisha June, kana yimid xafiiska ra'iisul wasaare ku xigeenka, Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa ku socday Wasiirka Duuliska, xafiisyada AMISOM iyo Qaramada Midoobay.

Xukuumada ayaa ku dooday, sidda ku cad warka qoraalka ah oo nuqul kamida uu helay warsidaha Garowe Online, in talaabadani ay qaadey markii ay soo baxeen walaac caafimaad iyo badqab.

Waxyaabaha laga mamnuucay in lala galo madaarka caalamiga ah ee magaala madaxda dalka Geeska Afrika ku yaala ayaa waxaa kamid ah; haraadiga daawooyinka, agabyada gubtay iyo qashinka birta ah.

Tani ayaa waxay kusoo beegmeysaa iyadda oo xeebta oo aan sidaasi uga fogeyn garoonka diyaaradaha ay dayacan tahay isla markaana ay noqotay goob qashinka magaalada lagu shubo, si qarsoodi ah.

Su'aalaha bulshada isla dhex-mareyso ee ay had iyo goor is-waydiinayaa ayaa ah; muxuu yahay qorshaha degan ee lagu dabagelayo arrintaasi isla markaana looga hortegayo in aysan taasi dhicin?

Xeebta oo ay u damaashaad tagaan boqolaal caasimada ku nool, maalinkii, ayaa wajahaya halis dhanka caafimaadka, iyadda aysana jirin qorshe dowlada iyo maamulka gobolka u degan si wax looga qabto.

WAR-SAXAAFADEEDKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM