Geedi: Dowladda xoog bey ku timid, xoog baana lagu difaacayaa [DAAWO]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Cali Maxamed Geedi, Ra'iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, ayaa fariin u diray mucaaradka ku kacsan dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya xilli maalmo kahor Muqdisho uu kusoo laabtey siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Isagoo ka hadlayay kulan lagu taageerayay Farmaajo, loogna soo horjeedo Mooshinka laga keenay, ayaa Cali Maxamed Geedi ka sheegay in kuwa mucaaradka ah ee wada kicinta dadweyne iyo kacdoonka ka dhanka ah  dowladda loogu tagayo guryahooda.

“Waxaan maalmahan maqlaayay kacdoon hala sameeyo,jidadka hala xiro, Xaafadaha qaar hala qabsado, dadka waxaas ku hadaaqaya waxaa la rabaa inay ka waantoobaan hadii kale dowlad iyo Shacab laguma aadee Guriga ayaa loogu tegayaa," ayuu yiri Cali Maxamed Geedi. 

Geedi oo kamida siyaasiyiinta aadka ugu dhaw Farmaajo ayaa sheegay in dowladda ay xoog ku timid, islamarkaana xoog lagu difaaci doono, isagoo tusaale usoo qaatey Dowladdii isaga Ra'iisul Wasaaraha ka ahaa oo Muqdisho xoog kusoo gashay.

Wuxuu xusay Cali Maxamed Geedi in xilligii dowladdii uu hogaaminayay AUN C/llaahi Yuusuf ee isagu Ra'iisul Wasaaraha ka ahaa markii ay ka adkaatey Maxkamadihii, oo ay kusoo jeeday Muqdisho lagu yiri hasoo dhaafin Afgooye, balse ay awood adeegsatay.

Geedi ayaa daboolka ka qaadey in siyaasiyiin kuwa sugan Muqdisho, oo raba inay dumiyaan dowladda haatan jirta ee uu Madaxweynaha ka yahay Farmaajo, balse aan laga yeeli doonin, oo meesha ay joogaan loogu tagi doono.

Hadalka Geedi ayaa kusoo beegmaya xilli Muqdisho maalmihii lasoo dhaafay ay ka socdeen kulamo kala duwan, oo qaar looga soo horjeedo dowladda, qaarna lagu difaacyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM