Geedi: Dowladda xoog bey ku timid, xoog baana lagu difaacayaa [DAAWO]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Cali Maxamed Geedi, Ra'iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, ayaa fariin u diray mucaaradka ku kacsan dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya xilli maalmo kahor Muqdisho uu kusoo laabtey siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Isagoo ka hadlayay kulan lagu taageerayay Farmaajo, loogna soo horjeedo Mooshinka laga keenay, ayaa Cali Maxamed Geedi ka sheegay in kuwa mucaaradka ah ee wada kicinta dadweyne iyo kacdoonka ka dhanka ah  dowladda loogu tagayo guryahooda.

“Waxaan maalmahan maqlaayay kacdoon hala sameeyo,jidadka hala xiro, Xaafadaha qaar hala qabsado, dadka waxaas ku hadaaqaya waxaa la rabaa inay ka waantoobaan hadii kale dowlad iyo Shacab laguma aadee Guriga ayaa loogu tegayaa," ayuu yiri Cali Maxamed Geedi. 

Geedi oo kamida siyaasiyiinta aadka ugu dhaw Farmaajo ayaa sheegay in dowladda ay xoog ku timid, islamarkaana xoog lagu difaaci doono, isagoo tusaale usoo qaatey Dowladdii isaga Ra'iisul Wasaaraha ka ahaa oo Muqdisho xoog kusoo gashay.

Wuxuu xusay Cali Maxamed Geedi in xilligii dowladdii uu hogaaminayay AUN C/llaahi Yuusuf ee isagu Ra'iisul Wasaaraha ka ahaa markii ay ka adkaatey Maxkamadihii, oo ay kusoo jeeday Muqdisho lagu yiri hasoo dhaafin Afgooye, balse ay awood adeegsatay.

Geedi ayaa daboolka ka qaadey in siyaasiyiin kuwa sugan Muqdisho, oo raba inay dumiyaan dowladda haatan jirta ee uu Madaxweynaha ka yahay Farmaajo, balse aan laga yeeli doonin, oo meesha ay joogaan loogu tagi doono.

Hadalka Geedi ayaa kusoo beegmaya xilli Muqdisho maalmihii lasoo dhaafay ay ka socdeen kulamo kala duwan, oo qaar looga soo horjeedo dowladda, qaarna lagu difaacyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliyaha AFRICOM: Taageerada Mareykanka waxay ku xiran tahay horumarka siyaasadeed iyo amni ee Soomaaliya

Haddaladda Jeneraal Anderson ayaa ku soo beegmaya xilli Soomaaliya ay wajahayo caqabado dhinaca amniga iyo siyaasadda ah.

  • Soomaliya

    01-08-2026

  • 09:16AM

Warmurtiyeedka Kampala oo Banaanka Keenay Khilaaf u Dhexeeya Soomaaliya iyo Dalalka Gobolka

Ilo ku dhow wada-hadallada ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka biyo diiday in qodobkaas lagu daro warmurtiyeedka.

  • Soomaliya

    01-08-2026

  • 05:49AM