Geelle oo qodob ku kordhiyey sababihii uu isaga casilay xukuumada Khayre
GAROWE, Puntland – Siyaasi Daahir Maxamuud Geelle ayaa qodob ku kordhiyey sababihii uu 1-dii May, 2019 isaga casilay xilka Wasiirka Warfaafinta xukuumadda federaalka Soomaaliya ee ra'iisul wasaare Xasan Cali Khayre.
Is-casilaada Geelle ayaa la aamnsan yahay in ay lama filaan ku ahayd hogaanka Nabad iyo Nolol, "maadaama aysan jirin ogeysiis hore".
"Go'aanka xil ka tagid waxaan ku saleeyay khilaaf aragtiyeed oo aan shaqsi ahayn oo dowladda federaalka hogaankeeda u dhaxeeyay iyo wasiirka warfaafinta Daahir Maxamuud Geelle u dhaxeeyay oo arrimo masiiri ah oo Soomaaliya isla socockeeda iyo badqabkeeda ku saabsan; afar qodob ayaan sheegay maalintaas, waxaan ka leex-leeday qodob shanaad oo aan is-dhahay xiligiisa lama joogo," ayuu u sheegay telefishinka maxaliga ah ee RTN Soomaali.
Afarta qodob ayuu ku kala sheegay; dowladda in ay ku socoto ifafaalo dhaawici kara nidaamka federaalka ayna weerar ku tahay maamulada si ay uga diido xuquuqda uu siinayo dastuurka.
Intaas waxaa wehlisa "daandaansiga" saamileyda siyaasadda ee ku sugan Muqdisho, "caburinta" warbaahinta iyo siyaasadda arrimaha oo uu hoosta ka xariiqay in ay isku maandhaafeen.
Qoomameyn la'aan
Safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhiyey boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa carabka ku adkeeyay "in uusan maalin qura ka qoomameyn go'aanka uu shaqada uga tegay oo sanad laga joogo".
"Afartaas aan sheegey go'aanka aan sheegay marba marka kasii dambeysa waxaan ku qancaayey in uu sax ahaa; hadii maamul goboleedyadda la fiiriyo maalinkaas doorashooyinkii Jubaland iyo Galmudug ma aaney dhicin Axmed Ducaale Geelle Xaaf, Axmed Madoobaa joogay; Saciid Cabdullaahi Deni oo sanad ka yar joogay baa joogay; sidda loola dhaqmay markii la fiiriyo dowladda arrimihii aan ka cabsanaayey ayay dhexda ka fadhiisatay, waayo doorashooyinkii lagu qabtay dada ku duugay oo siyaasad loo dilay; madaxweyneyaashii iyo dadka kale ee siyaasiyiinta ayaa dhib ayay la kulmeen, waayoo waad og-tihiin waxay gaartay dacwooyin, masoo degi karo iyo diyaaradiisa ma kici karto ayay gaartay warbaahintana Amnesty International baa sheegtay caburinta qeybta xuquuqul insaanka baa lagu soo qaatay meel ka dhac bey ahayd, Haaruun Macruuf waad aragteen oo ugu dambeysay," ayuu tibaaxay siyaasiga.
Geelle ayaa haatan u sharaxan doorashadda Soomaaliya ee sanadka dambe, wallow illaa iyo haatan aanan lagu heshiin nidaamka, shuruucda iyo habraaca lagu galayo, oo ay diideen maamulada iyo saamileyda siyaasada.
"Qodobka ay maalintaas ka hadlin waxay ahayd arrinta amniga, daldaloola badan in ay ka jiraan baa ii muuqatay, dabcan waxaan ula jeedo ma ahan wiilasha iyo gabdhaha u taagan, salaan bey mudan yihiin naftooda ayay maalin walba geeyaan suuqa, dad Soomaaliyeed ayay ku badbaadinayaan, way mahadsan yihiin, waxaan ka hadlayo waxay tahay siyaasadda, way ila guracneyd, walina waa ila guracan tahay," ayuu xusay.
Siyaasada nabad-gelyada ee dowlada Farmaajo ayaa aad loo dhaliilay gaar ahaan la dagaalanka Al-Shabaab iyo xasilinta caasimadda oo ay ka dhaceen mudadii ay jirtay laba kamida weeraradii ugu dhimashada badnaa abid.
GAROWE ONLINE