Geelle oo 5 qodob xusuusiyey Rooble kahor shirka Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Musharax madaxwayne Daahir Maxamuud Geelle ayaa shan qodob xusuusiyey ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble kahor shirka loo balansan yahay 20-ka May, 2021.

Wasiirkii hore ee warfaafinta xukuumaddii Xasan Cali Khayre oo hadda kamid ah musharaxiinta xilka madaxtinimada ayaa fartiin uu soo dhigay Facebook wuxuu kula dardaarmay Mr Rooble.

"Waxay ila tahay in ay muhiim tahay in Ra'iisalwasaare Mohamed Hussein Roble uu shan arrimood ogaado kahor inta uusan tagin shirka 20ka May," ayuu ku bilaabay qoraalkiisa ay dad badan ka falceliyeen.

Qodobada uu safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhiyey boqortooyadda Sacuudi Carabiya soo bandhigay oo khuseeya mar-xalada adag ee dalku waqti-xaadirkan ku sugan yahay ayaa waxay kala yihiin;

1- In uu ogaado in aan laga aqbali doonin wixii Farmaajo laga diiday.

2- In uu ogaado in heshiiskii 17-ka September uu kaliya aasaas yahay, balse ay tahay in laga heshiiyo waxa la isku haayo oo dhan.

3- In uu ogaado in taageerada uu ka haysto mucaaradka, ciidamada, beesha caalamka iyo guud ahaan bulshada ay tahay mid shardiyaysan oo uu ku kasbaday in uu ka leexaday waddadii hore loogu lumay.

4- In uu ogaado in arrinta aan sheegi jirnay ee ahayd in arrinta Soomaaliya ay tahay miis ku dhammaato uu micnaheedu yahay in ay ku dhamaato miis loo dhan yahay oon lagu kala maqanayn.

5- In uu ogaado in miiska oo saamilayda loo diido, kuwa fadhiyana looga kaco uu yahay habdhaqan hore loogu hungoobay laguna fashilmay.

"Ugu danbayn, walaalkeey Ra'iisalwasaare Rooble waxaan leeyahay si aad u guulaysatid waa in aad guuldarrooyinki hore wax ka baratid," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay diblumaasi Daahir Maxamuud Geelle.

Shirka sidda weyn isha loogu hayo ee 20-ka May ayaa la filayaa in xal loogu raadiyo is-mari-waaga ragaadey ee doorashooyinka 2020-21 ee Soomaaliya kaasoo soo jiitamayay saddex bilood ee lasoo dhaafay.

Hogaamiyeyaasha maamulada iyo dowlada federaalka ayaa la rajeynayaa in ay kawada qeybgalaan kulankaas oo ka dhacaya Muqdisho isla markaana saldhigiisu yahay heshiiska madaxdu kala saxiixatay 17-kii September.

GAROWE ONLINE

Related Articles

C/kariin Ciidle oo lagu celiyay Mareykanka si uu u wajaho dacwad musuqmaasuq $250 milyan ah

Mas'uuliyiintu waxay sheegeen in Cabdikariim uu ka baxsaday Mareykanka kaddib markii dacwadaha lagu soo oogay sanadkii 2022.

  • Soomaliya

    17-07-2026

  • 09:13PM

Soomaaliya oo laga reebay dalalka Afrika ee dalban kara fiisaha elektaroonigga ah ee Turkiga

Si kastaba, qofka wata baasaboorka caadiga ah ee Soomaaliya weli si toos ah ugama dalban karo fiisaha Turkiga internet-ka.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 04:33PM