Geelle: Saddexdan arrin waxaan ahayn kuma aqaano Farmaajo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha waqtiga ka dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaaj wuxuu diidan yahay wadahadal iyo geedi-socod nabad ah, sidda uu sheegay musharax madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle.

Hadal Geelle ayaa kusoo hagaagaya xilli uusan wali furmin shirka xalka loogu goobayo is-mari-waaga doorashooyinka oo ay kawada qeybgalaan Dowladda, maamuladda iyo dhamaan daneeyeyaasha kale ee coddeynta qaranka.

Wasiirkii hore ee warfaafinta Soomaaliya oo qoraal ku daabacay boggiisa Facebook oo ah afhayeenka Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa ku eedeeyay Farmaajo "Xabbad la rido xinjiro la qubo iyo xukun leysku dhajiyo".

"Xabbad la rido xinjiro la qubo iyo xukun leysku dhajiyo wax aan ahayn kuma ogi, kumana aqaan walaalkeey Farmaajo, saddexdaana waa waxa kalsoonidii dilay," ayuu yiri safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhiyay boqortooyada Sacuudiga.

Sidda laga soo xigtay Geelle, musharaxiinta waxay diyaar u yihiin in ay kaalin firfircoon ka cayaaraan qaabka dalka uga baxayo mar-xalada kala guurka.

"Maanta waxaa nala siman wada hadal nabad ah iyo heshiis ku dhammaada doorasho xor iyo xalaal ah ee walaalow diidmada miiska wadahadalka, iyo carqaladaynta geedi socodka nabadda jooji," ayuu hoosta ka xariiqay.

Wuxuu xusay: Annaga waxaan rabnaa inaan qayb ka noqonno dadaal hufan iyo tartan doorasho oo laysku halayn karo leh jiheeye akhlaaqeed (moral compass)".

"Madaxtinimada nuxurkeedu waa in aad wax dhisi kartid, waxna dhaqi kartid ee ma aha in aad wax dhibi kartid. Waa in loo adeegaa Ummadda ee ma’aha in la aafeeyo ama lays qabadsiiyo," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Daahir.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo go'aan adag ka qaatay taageerada amniga Soomaaliya

Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay ayaa la sheegay inay wadaan dadaallo lagu raadinayo xal waara oo lagu sii wadi karo hawlgalka.

  • Soomaliya

    18-07-2026

  • 09:33AM

C/kariin Ciidle oo lagu celiyay Mareykanka si uu u wajaho dacwad musuqmaasuq $250 milyan ah

Mas'uuliyiintu waxay sheegeen in Cabdikariim uu ka baxsaday Mareykanka kaddib markii dacwadaha lagu soo oogay sanadkii 2022.

  • Soomaliya

    17-07-2026

  • 09:13PM