Go'aankii Bill Clinton uu ka qaatay Soomaaliya maanta oo kale 1993-dii

Image

WASHINGTON, US – Madaxweynihii 42aad ee Mareykanka, Bill Clinton, ayaa maanta oo kale 1993-dii wuxuu amray in boqolaal ciidamo ah loo diro Soomaaliya si ay uga qeybgalaan maalintii labaad ee dagaalkii Muqdisho.

Isku-dhacaas khasaaraha badan dhaliyey soona bilowday 3-dii October, sanadkii 1993-dii wuxuu dhexmaray ciidamadda sidda gaarka ah u tababaran ee Mareykanka iyo taageereyaashii Maxamed Faarax Caydiid.

Daabulitaanka ciidamada ayaa yimid markii uu dhicisoobay ku talagalkooda ahaa in ay hal saac kusoo qabtaan Caydiid. Balse, iska-caabin uu sameeyay Jeneraalka waxay dhaba-dheereysay is-rasaaseynta.

Wasaaradda Difaaca Mareykanka iyo lataliyeyaal ayaa ku dhiirageliyey Clinton in uu diro boqolaal ciidamo ah si u soo gabagabeeyaan howlgalka qeyb ka ahaa Rajo-soo-celinta Soomaaliya ayna riixeysay Qaramada Midoobay.

Iska hor-imaadka oo ka dhacay meel ku dhow suuqa Bakaaraha ee Muqdisho ayaa galaaftay nolosha 18 askar Ameerikaan ah iyo tobanaan shacab ah.

Malaysia iyo Pakistan oo howlgalka ku jira waxaa uga geeriyooday min hal askari, halka dhaawaca yahay todoba oo Malaysia ah iyo Pakistan oo laba ah.

Sidoo kale, waxaa muddo 20 daqiiqo gudahooda Mareykanka looga soo diray laba diyaaradood oo ah nooca qumaatiga u kaca ee Helicopters.

Diiwaanka filimka Black Hawk Down oo Mareykanka sameeyay dagaalkan iskuna dayay in uu ku qariyo jabkiisa iyo gabood-faladiisa rayidka waxaa ku qoran in dileen 700 maleyshiyo Soomaali ah dhaawaceenna kun ka badan.

Hase ahaatee, taageereyaasha Caydiid oo diyaaradaha kusoo riday gernaalada garbaha laga gano waxay ku sheegeen dukumiintiri uu ka diyaariyey telefishin Mareykan ah in laga dilay kaliya 133 xubnood.

Ciidamada Mareykanka oo lix todobaad kadib dagaalkaas ka baxay Soomaaliya ayagoo huwan guul daro askareed waxay kolkii hore yimaadeen 9-kii December, 1992-dii "iyagoo doonayey in ay soo celiyaan kala dambeynta".

Soomaaliya ayaa markaas dhexda kaga jirtay dagaal sokeeye maadaama Jabhadihii ay meesha ka saareen taliskii Maxamed Siyaad Barre, waxaana qabqablayaasha ay ku heshiiyeen waayeen awood qeybsiga iyo kursiga sare.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM