Jubaland oo oo horkacaysa natiijada Imtixaanka Shahaadiga Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Wasaarada Waxbarashada dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa Axada maanta ah faafisay Natiijada Imtixaanka Shahaadiga sanad-dugsiyeedka 2019-2020 xili gobolka Gedo uu horkacayo max-suulka.

Afarta kaalin ee ugu horeysay waxaa xoreystay afar dugsi oo ku yaala gobolkaas ay xooga kula wareegtay xukuumadda waqtiga kasii dhamaanayo. Si kale hadii loo dhigo, Jubaland waxay heshay shanta maalin ee ugu horeysay.

Hal dugsi oo ku yaala gobolka Jubada Hoose ayaa galay kaalinta shanaad. Tani macnaheedu waxay tahay in maamulkii xiisada siyaasadeed kala dhaxeysay Villa Soomaaliya uu ku guuleystay Imtixaanadii Fasalada 12aad ee dalka.

Imtixaankaan ay galeen in ka badan 34-kun oo arday ah ayay wasaaradda tacliinta federaalka ka qaadey Koonfur Galbeed, Jubaland, HirShabelle, Galmudug iyo gobolka Banaadir. Dowlada Puntland waa ay qaadacdey hanaankan.

Si lamid ah, dugsiyadda gobolka Banaadir oo ay ku tiilay caasimada dalka ee Muqdisho ayaan kasoo muuqan tobban ugu horeeya.

Arday lagu magacaabo Sayid Cumar Cabdiraxmaan Colaad ayaa galay kaalinta koowaad ee Imtixaanka, isagoo labintaas ku hantay natiijo dhan 92%.

"Tirada rasmiyan Imtixaanka sanadkaan u fadhiisatay waa 33,727 waxaa gudubtay 25,177, halka ay dhaceen 8,550 kuwaasoo ka kooban 5,231 oo wiilal ah iyo 3,319 gabdho ah," ayaa lagu yiri warbixinta Wasaarada Tacliinta.

Gobolka Gedo ayaa xudun u noqdey is-mari-waaga Villa Soomaaliya iyo maamulka Axmed Madoobe kadib doorashadii August, 2019 ka dhacdey magaalada dekada leh ee Kismaayo, taasoo dowlada Farmaajo isku dayday in ay farageliso.

Isagoo maanta la hadlayey Aqalka Sare, madaxweyne Axmed Madoobe oo ku sugan Muqdisho ayaa rajeeyay in mudada uu magaala madaxda joogo xal waara loo heli doono arrimaha cakiran ee ka jira Gedo, dibna u hantaan maamulkiisa.

Warqada tobbanka dugsi

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee Xasan Sheekh ku kala raabey Musharaxiinta Xisbiga JSP ee doorashadda Koonfur Galbeed?

Heshiiskan ayaa soo afjaraya hadal-hayn badan iyo hubanti la’aan siyaasadeed oo ka jirtay magaalada Baydhabo.

  • Soomaliya

    26-04-2026

  • 09:15PM

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM