Golaha Ammaanka oo cod u qaadey qaraar ay u gudbisay DF Soomaaliya

Image

WASHINGTON, US – Golaha Ammaanka ee Qaramadda Midoobay ayaa cod wadar ogol ah waxay ku meelmariyeen qaraar tirsigiisu yahay 2,500 kaasoo ay gudbisay Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Qaraarkaas ayaa wuxuu dalbanayaa in muddo hal sano ah lagu kordhiyo howlgalka la dagaalanka burcadbadeedda.

Soo jeedinta ayaa ku baaqeysa in saaxiibada dunida iyo dowladda ay kawada shaqeeyaan sidii loo ilaalin lahaa sharciga caalamiga ah ee bani'aadanimadda iyo xuquuqda aadanaha.

Soomaaliya ayaa muddo kordhinta halka sano ah ku dalbatay warqad ay 22-kii November u dirtay Golaha Ammaanka.

Warbixin kasoo baxday xafiiska xoghayaha guud ee UN-ka oo looga hadlay xaaladda shufta badeeda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in wali khatartu jirto, waxaana lagu soo qaadey laba dhacdo.

Dhacdooyinkaas oo laga soo wariyey nawaaxiga xeebaha Soomaaliya ayaa lagu guuleystay in dableyda laga soo furto maraakiibta ay qafaasheen.

Saraakiisha Howlgalka Soomaaliya ee Qaramadda Midoobay ayaa ku adkeystay in dalalka caalamka looga baahan yahay in ay door muuqda ku yeeshaan dagaalka ka dhanka ah kalluumeysiga sharci daradda ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jadwalka cusub ee doorashooyinka oo khatar gelinaya wada-hadallada dowladda iyo mucaaradka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horey isugu yeeray isbahaysiga mucaaradka ee "Somalia's Future Council".

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 03:07PM

Mucaaradka oo Muqdisho ku yeeshay shir ku saabsan hannaan doorasho oo cusub

Weli ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan kulamada mucaaradka.

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 02:41PM