Golaha Amniga Jubbaland oo go'aano soo saarey kadib weerarkii Kismaayo

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

KISMAAYO, Jubbaland - Madaxweyne Axmed Madoobe, ayaa maanta oo Axad ah shir gudoomiyay kulanka golaha amniga Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Xaalada guud ee amniga Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa ugu horayn kulanka lagaga hadlay iyadoo la sheegay in xaalada amnigu haatan ay wanaagsan tahay.

Golahu ayaa u mahadceliyay dadkii usoo tacsiyeeyay Jubbaland, islamarkaana xanuunka la qaybsaday kadib markii qarax iyo weerar lagu qaadey Hotel-ka Medina [Ex-Cascaseey] lagu dilay 26 qof, 56 kalena lagu dhaawacay Jimcihii.

Madaxweynaha ayaa magacaabay gudiga taakulaynta dadka wax ku noqday weerarkan, kuwaas oo ka shaqayn doona sidii loo caawin lahaa dadka dhibaatadu ay gaadhay iyo sidii gacan loogu fidin lahaa milkiilaha huteelka.

Qorshaha amniga doorashada ayaa isku raaceen in Dowlad Goboleedka Jubbaland ay si adag u sugayso amaanka doorashooyinka iyadoo dhamaan ciidamada la galiyay heegan buuxa.

Waxaa kale oo laga hadlay in la kala saaro Siyaasada iyo nabadgalyada ayna marna Jubbaland "gorgortan ka galaynin" arimaha siyaasaduna ay leeyahiin wado loo maro balse amaanka cidii wax u dhinta gacan bir ah "lagu qaban doono".

Golaha amniga Jubbaland ayaa soo jeediyay in wacyi galin la siiyo Bulshada la xidhiidha sidii ay xoogaga dowlada ugu gacan siin lahayeen sugida amaanka kadib weerarkii Jimcaha.

Inta la xaqiijiyey 26 ruux ayaa ku geeriyootay markii ay Al-Shabaab weerar ku qaadey huteelka Cascasey, kaasi oo ay degaan mas'uuliyiinta Jubbaland, Qurba Joogta iyo dadka caanka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM

Cirro: Inta aan xafiiska joogo bay Somaliland aqoonsi helaysaa

Hadalka madaxweynaha ayaa imaanaya xilli ay sare u sii kacayso baaqyada lagu dalbanayo in Mareykanku aqoonsado Somaliland.

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 05:42AM