Golaha Shacabka oo cod u qaadey Xisaab Xirka Miisaaniyada 2017

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Mudaneyaasha Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa Sabtida maanta ah kulan aan caadi ahayn ku yeeshay xaruntooda magaaladda Muqdisho.

Fadhiga oo ahaa kulankii 7aad ee kalfadhiga 6aad ee Aqalka Hoose ayaa waxaa soo xaadirtay 140 Sharcidejiye.

Afhayeenka Golaha Shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman ayaa shir gudoomiyey kulanka, waxaana ku wehliya Guddomiye Ku Xigeenka Labaad, Mahad Cawad Cabdalla.

Ajendaha kulanka ayaa ahaa;

1-Akhrinta 1aad Hindise-Sharciyeedka Qareenada Soomaliyeed

2-Akhrinta 1aad Hindise-Sharciyeedka Notaayadda Dadweynaha

3-U Codeynta Xisaab Xirka Miisaaniyada 2017

4-Sii Wadida Ka Doodista Maxdarka Xildhibaanadda

Dood dheer kadib, mudaneyaasha ayaa cod u qaaday Xisaab Xirka Miisaaniyada 2017, waxaana natiijadda ay noqotay; 128-Xildhibaan ayaa ogolaatay; 8 diiday iyo shan kale oo ka aamustay.

Ansixintan ayaa kusoo aadeysa xili dhowaan Golaha Wasiiradda ay meelmariyeen Miisaaniyada Dowladda ee 2020-ka, taasoo lagu kordhiyey mushaharka ciidanka xoogga oo la gaarsiiyey 200 oo Doollar-ka Mareykanka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal ka dhacay Gobolka Gedo oo ku loolamayaan DFS iyo Jubaland

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in weerarka Birta Dheer uu ka mid yahay howlgallo ballaaran oo laga wado gobolka Gedo.

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 07:43AM

Qarax ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in odayaasha ay wadeen baaritaan ku saabsan dhul markii ay miinadu qaraxday.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 01:11PM