Golaha Shacabka oo meel-mariyey Wax ka bedelka xeerka Saxaafada

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Mudaneyaasha Golaha Shacabka baarlamaanka Soomaaliya oo kulan ku yeeshay xaruntooda Muqdisho ayaa maanta oo Isniin ah ansixiyey Wax ka bedelka xeerka Saxaafadda.

Sharcigan oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Warfaafinta xukuumada federaalka ayna door ku lahayd warbaahinta dalka ayaa waxaa ogolaatey 139 Xildhibaan, ma jirin cid diidey, mudane ayaase ka aamusay.

Waa markii labaad muddo saddex sano gudaheeda ah oo uu Aqalka Hoose uu cod aqlabiyad leh ku ansixiyo hindise sharciyeedkan.

Xukuumadda uu hogaamiyo ra'iisul wasaare Khayre ayaa dib u eegis ku sameysay ka gedaal markii ay cabasho kasoo gudbiyeen xarumo warbaahinta.

Qodobada cabashada laga keenay ee sharciga ku jiray balse haatan laga saarey waxaa kamid ahaa in saddex kun oo dollar laga qaadi doono wariyihii ay ku cadaato in uu baahiyo warar been ah.

Intaasi waxaa wehlisa qodob kale oo xeerinayay in qof aanan shaahdo Jaamacadeed ka haysan saxaafadda uusan ka shaqeyn karin warbaahinta iyo qodobo kale.

Meel-marinta xeerkan ayaa kusoo beegmaya xili xaaladda xorriyadda hadalka ee Soomaaliya la sheegayo in ay tahay mid liidata xili waddanka uu kamid yahay kuwa ugu khatarta badan ee uu saxafi ka howlgalo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM