Golaha Shacabka oo sharci ansixiyey xili fadhiga Aqalka Sare uu baaqdey

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Golaha Shacabka baarlamaanka Soomaaliya oo kulan ku yeeshay Muqdisho ayaa akhrinta saddexaad marsiiyey Sharciga Maamulka Maaliyadda kahor inta aysan cod u qaabin.

Maxamed Mursal Cabdiraxmaan, afhayeenka Aqalka Hoose ayaa shaaciyey in 135 mudane ay "Haa" u coddeysay, halka 6 kale ay kasoo horjeesteen mana jirin mudane ka aamusay.

Tirada guud ee Xildhibaanadda kulanka kasoo muuqatay ayaa waxay gaarayeen 141 mudane, sidda laga soo xigtay xogheynta Golaha.

Kulanka ayaa saacado dib ugu dhacay maadaama waqtigii loogu talogalay in uu furmo aysan soo xaadirin tiradii loo baahnaan.

Gudoonka oo arrintan si adag u dhaliilay ayaa mudaneyaasha ku tartarsiiyey in ay kulanka soo xaadiran, Xildhibaankii fasax la’aanna seega fadhiyadda Golaha loo gudbinayo guddiga Anshaxa oo go’aan ka gaaraya.

Geesta kale, kulan ay maanta yeelan lahaayeen Xildhibaanadda Aqalka Sare ayaa u baaqday kooram la’aan markii ay soo xaadiri waayeen tiradii loo baahnaa ee uu ku furmi lahaa fadhiga.

Cabdi Xaashi Cabdullaahi, gudoomiyaha Aqalka Sare ayaa cod dheer uga dalbadey sharcidejiyayaasha in ay waajibaadkooda u gutaan sida ugu haboon, ayna xili hore yimaadan kulamadda.

Aqalka Sare oo ka kooban 54 xubnood oo metala maamul goboleedyadda Shanta ah ee dalka ka jira ayaa waxaa uu ku furmaa fadhiyadiisa laba dalool hal qeyb taasi oo ah 28 Senator.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM