Golaha Wasiirada cusub ee Galmudug oo codka kalsoonida loo qaadey

Image
Image
Image
Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa maanta oo Axad ah wuxuu codka kalsoonida siiyey Golaha Wasiirada cusub ee dhowaan uu magacaabay madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye.

Dhamaan mudaneyaashii soo xaadiray kulanka oo tiradoodu gaareysay 78 ayaa u coddeysay, taas oo ka dhigan cod aqbalabiyad leh.

Madaxweyne Qoor-qoor oo uu wehliyo ku xigeenkiisa oo hortagay Golaha Wakiilada dowlad goboleedkaas ayaa kaga mahadceliyey meelmarinta wasiiradda, iyagoo balanqaadey wadashaqeyn iyo isla xisaabtan.

Wasiirada, ku xigeenadooda iyo wasiiru dawlayaasha oo wadar ahaan gaaraya 39 ayaa lagu dhaariyey madasha markii ay ansixiyeen Xildhibaanada.

Sawirro laga soo qaadey madasha ayaa muujinayey in dhamaan mas'uuliyiinta ay wateen maaskaro, taas oo macnaheedu yahay ka hortagga Coronavirus oo kiisas la xiriira laga diiwaan-geliyey degaanada maamulkaas.

Maamulka Qoor-qoor ayaa lagu dhaliilay in uu ka gaabiyey wacyi-gelinta dadweynaha ee la xiriirta halista xanuunka isla markaana agabka ka hortagga ee loogu deeqay ay ku kooban yihiin mas'uuliyiinta.

Caasimada Dhuusamareeb ayaanan wali helin mashiinka lagu baaro fayruska dilaaga ah. Dadka lagu tuhmo cudurka waxaa laga qaadaa dheecaanka, waxaana lagu baaraa sheybaarka yaala magaalada Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Somaliland oo Turkiga ku Eedeysay Faragelin

Madaxda Somaliland ayaa u arka tallaabooyinkan inay qayb ka yihiin dadaallo lagu daciifinayo maamulka.

  • Soomaliya

    19-08-2025

  • 12:20PM

Dowladda Soomaaliya oo Abaabul Dagaal Ka Wada Shabeellaha Dhexe

Ololahan cusub ayaa qayb ka ah ballanqaadkii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee ahaa inuu qaado.

  • Soomaliya

    19-08-2025

  • 11:31AM