Gollaha Shacabka oo cod u qadaya lacago mugdi ku jira oo Beyle horkeenay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xildhibaanada Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta cod u qaadaya ku noqoshada Miisaaniyadda 2018, taasoo muran uu ka tagan yahay.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Cabdiraxmaan Ducaalle ayaa ka codsaday Gollaha inay u ansixiyaan $22.5 Milyan oo Dollar oo dheeraad ah taasoo lagu kordhiyay miisaaniyadda 2018.

Lacagtan cusub $22.5 milyan ayaanan ku jirin miisaaniyaddii horey loo ansixiyay ee $274 milyan oo dollar, waxaana tani ay dood adag ka dhex dhalisay Xildhibaannada oo qaarkooda shaki ka muujiyay halka laga keenay iyo meesha lagu bixiyay.

Wasiir Beyle ayaa ku doodaya in 17 milyan oo kamid ah lacagta dheeraadka ah la siinayo ciidamada billaha kala ah October, November iyo December ee Sanadkan, halka $5.5 milyan oo kale lagu kabayo miisaaniyadda cusub ee 2019.

Waxa uu Beyle ugu yeeray lacagtan dheeraadka ah "miisaaniyad-kabid", iyadoo $17 milyan uu sheegay inuu kasoo jaray Khasarashaadka ku bxaya Wasaaradaha, halka inta kale ee $5.5 milyan laga soo bixiyay $80-kii milyan ee uu Bangiga Adduunka ugu yaboohay dhawaan in lagu kabo miisaaniyadda dowladda.

Waxaa jira warar sheegaya in $5.5 milyan [Shan Milyan iyo shan noqol oo Kun oo dollarka Mareykanka] ay tahay lacagtii bishii Ramadan-ka la siiyay Xildhibaanada Gollaha Shacabka, taasoo aan ahayn Mushaarkooda ama Gunnada ay qaataan ee sharci ahaanta u leeyihiin.

Dhammaan xildhibaannada ayaa la siiyay min $5000 (Shan Kun oo Doolar), waxaana la sheegay inay tahay lacag ay madaxda dowladda ugu talogaleen xildhibaannada, basle markii danbe magacyo badan yeelatay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliyaha AFRICOM: Taageerada Mareykanka waxay ku xiran tahay horumarka siyaasadeed iyo amni ee Soomaaliya

Haddaladda Jeneraal Anderson ayaa ku soo beegmaya xilli Soomaaliya ay wajahayo caqabado dhinaca amniga iyo siyaasadda ah.

  • Soomaliya

    01-08-2026

  • 09:16AM

Warmurtiyeedka Kampala oo Banaanka Keenay Khilaaf u Dhexeeya Soomaaliya iyo Dalalka Gobolka

Ilo ku dhow wada-hadallada ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka biyo diiday in qodobkaas lagu daro warmurtiyeedka.

  • Soomaliya

    01-08-2026

  • 05:49AM