Gollaha Wasiirada Koonfur Galbeed oo cod aqlabiyad leh lagu ansixiyay

Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Xildhibaanada Gollaha Wakiiladda Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya oo maanta kalfadhigii 7-aad kulankooda 2-aad ku yeesheen Magaalada Baydhaba ayaa cod akhlabiyad leh ku ansixiyay Gollaha Wasiiradda cusub ee Dowladda KGS ee uu soo magacaabay Madaxweyne C/casiis Xasan Maxamed Laftagareen.

Kalfadhiga ayaa waxaa goobjoog ahaa 124 mudane, waxaana ka maqnaa 25 mudane. 123 Xildhibaan ayaa ogolaatay Gollaha Wasiirada cusub ee KGS, waxaana diiday hal Xildhibaan.

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Koonfur Galbeed C/qaadir Shariif Sheekhuna ayaa sheegay in la ansixiyay Gollaha Wasiirada Cusub ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Koonfur Galbeed, C/casiis Xasan Maxamed laftagareen ayaa uga mahadceliyay Xildhibaanada Gollaha Waliilada maamulkiisa kalsoonida ay siiyeen Xukuumaddiisa cusub.

Lafta Gareen, oo la doortay bishii December ee 2018, kadib doorasho dhiig ku daatey oo la sheegay inay faragelin ku sameysay Villa Somalia ayaa ku dhawaaqay Xukuumaddiisa Feb 2, 2019.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Warmurtiyeedka Kampala oo Banaanka Keenay Khilaaf u Dhexeeya Soomaaliya iyo Dalalka Gobolka

Ilo ku dhow wada-hadallada ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka biyo diiday in qodobkaas lagu daro warmurtiyeedka.

  • Soomaliya

    01-08-2026

  • 05:49AM

Khilaafka Siyaasadda Soomaaliya oo Hareeyay Shirka Kampala, Museveni oo Ku Baaqay Wada-hadal Loo Dhan Yahay

Dhanka kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Jabuuti ayaa ka aragti duwanaaday soo jeedintan.

  • Soomaliya

    31-07-2026

  • 12:06PM