Gollaha Wasiiradda KG oo Shir deg deg isagu yimid iyo go'aanno lasoo saarey

Image
Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Gollaha Wasiiradda Koonfur Galbeed Soomaaliya, ayaa maanta Shir aan caadi ahayn isagu yimid magaalada Baydhabo, saacado kadib markii Gudiga doorashada ku dhawaaqay in dib loo dhigay doorashada Madaxweynaha.

Shirkan oo uu gudoomiyay Ku simaha Madaxweynaha, ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka, Cabdiqaadir Shariif Sheekhuna ayaa waxaa laga soo saarey qodobo saddex ah oo ku saabsan xaaladda amni iyo mid siyaasadeed ee Koonfur Galabeed.

Waxaa kulanka warbixin ku saabsan amniga looga dhageystay Wasiirka amniga Koonfur Galbeed, Xasan Xuseen Eelay, oo soo bandhigay qorshooyinka ay Wasaaradiisa u dejisay arrimaha amniga, maadaama Baydhabo ay ku jirto xaalad kala guur ah.

Qodobada kasoo baxay Shirka:

1) Waxa ay si guud u soo dhoweeyeen dadaalka ay wado Wasaaradda Amniga Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya.

2) Waxaa amaan iyo bogaadin ay u jeediyeen Guddiga doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya sida ay Shaqada u wadaan.

3) Shacabka ayay ugu baaqeen in ay muujiyaan degnaansho, kuna kalsoonaadaan madaxdooda, iskana ilaaliyaan wax walba oo dhib ku keen karo xasanoolida Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Shirkan ayaa kusoo beegmaya xilli maanta markii afaarad dib loo dhigay doorashadii la filayay in shanta bishan ay ka dhacdo Baydhabo, taasoo ay hareysay fareglin iyo qas la sheegay inay ku hayso dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliyaha AFRICOM: Taageerada Mareykanka waxay ku xiran tahay horumarka siyaasadeed iyo amni ee Soomaaliya

Haddaladda Jeneraal Anderson ayaa ku soo beegmaya xilli Soomaaliya ay wajahayo caqabado dhinaca amniga iyo siyaasadda ah.

  • Soomaliya

    01-08-2026

  • 09:16AM

Warmurtiyeedka Kampala oo Banaanka Keenay Khilaaf u Dhexeeya Soomaaliya iyo Dalalka Gobolka

Ilo ku dhow wada-hadallada ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka biyo diiday in qodobkaas lagu daro warmurtiyeedka.

  • Soomaliya

    01-08-2026

  • 05:49AM