Gollaha Wasiiradda oo ansixiyay Miisaanid aan Muqdisho dhaafsiisnayn

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Gollaha Wasiiradda ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa maanta isagu yimid shir aan caadi ahayn, kaasi oo lagu meel-mariyay Miisaaniyadda 2019-2020.

Wasiirka Maaliyadda, Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle ayaa uga mahadceliyay Xukuumadda iyo Ra'iisul Wasaare Khayre ansixinta Miisaaniyaddd cusub, oo gaareysa $340,060149 (Sedax Boqol iyo Afartan Milyan, Lixdan Kun Boqol iyo Afartan iyo Sagaal Doolar)

"Maanta waxaan Golaha Xukumadda horgeeynay Miisaaniyadda Qaranka ee Sanadka Soo socda 2019-2020, dood dheer kadibna Goluhu waa uu meel mariyay," ayuu ku yiri Beyle qoraal uu soo dhigay Facebook.

Miisaanadda sanadka soo socda ayaa ka badan midka sanadkan 2018 oo ahaa $274.6 Milyan oo dollar, kaasoo xiisab-celintiisa sida loo maareeyay uu horyaallo wali Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka dalka.

Miisaaniyadda ayaa isagu jirta Dakhliga Gudaha, gaar ahaan canshuuraha Dekedda Muqdisho iyo Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, deeqaha dowladda ay ka heshay deeq-bixiyaasha iyo kuwa kale.

Dowladda Federaalka ayaa lagu eedeeyay in miisaniyadeedu tahay mid ku kooban kaliya Muqdisho, oo aan gaarsiisnayn dalka oo dhan, iyadoo xilligan la taagan yahay waqtigii la baahin lahaa dowladnimada.

Soomaaliya ayaa wali safka hore kaga jirta liiska dalalka ugu musuq-maasuqa badan caalamka, iyadoo dhawaan mas'uuliyiin sare oo katirsan Xukuumadda hada jirta loo xiray arrimo musuq-maasuq la xiriira.

Madaxda u xiran musuq-maasuqa waxaa kamid ah Madaxii Kastamka Canshuuraha ee Dekedda Muqdisho Axmed Cabdullaahi Samow, shaqaale iyo xubno kale oo agaasimiye-yaal, iyadoo shaqa joojin lagu sameeyay wasiir ku xigeeno.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM