Warar kusoo kordhay shirka khilaafka doorashada Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Rajada laga qabo in xubno ka tirsan Beesha Caalamka ay goobjoog ka noqdaan shirka looga arrin-sanayo masiirka doorashooyinka Soomaaliya ayaa sii kordheysa, sidda ay warsidaha Garowe Online u xaqiijiyeen dhowr illo wareedyo diblumaasiyadeed.

Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa iyo safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa, sidda ay xoguhu caddeynayaan, waxay ogolaadeen qodobkaas oo kalkii hore ay si weyn uga soo horjeedeen.

"Aqbalaada ma ahan mid ay si toos ah carabka ugu dhufteen. Balse, waxay rajo wanaagsan u muujiyeen in ay goobjoog ka noqdaan wadahadaladda si ay damaanad-qaadayaal uga noqdaan dhaqan-gelinta heshiis kasta oo laga gaaro khilaafka jira," ayay ku dareen illo wareedyadda ku dhow dhinacyadda shirka khuseeyo oo u waramay bogga GO.

Maamulka muddo xileedkiisa uu dhamaadey ee uu hogaamiyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo si weyn uga soo horjeeda in dhexdhexaadiyeyaal caalami ah u kala dabqaadaan hogaamiyeyaasha Soomaalida ayaa horey ugu fashilmay fulinta heshiis laga gaarey doorashada.

Mucaaradka ayaa ku eedeeyay Farmajo — oo xafiiska wali jooga iyaddoo muddo xileedkiisa dastuuriga ah uu dhamaadey ku dhowaad laba bilood kahor — in uu isku xirayo ololihiisa dib—u—doorashadda iyo in geed-socodka coddeynta uu noqdo mid si furan looga heshiiyey.

Marka laga reebo in ay si gooni-gooni ah isku arkeen qeybtood, madaxda Soomaalida ayaa intooda badan waxay ku sugan yihiin caasimada Muqdisho, waxaana Beesha Caalamka ay waddaan dedaalo ay madal isugu keeneyso dhincyada si loosoo afjaro kala taag-taaga.

Hadii wadaxaajoodyadda waqti xaadirkan la qabanqabinayo ay miradhali-waayaan, waxaa sii xoogeysaneysa hubanti la’aanta dhanka kala-guur nabadeed, xukun isku wareejin xasilooni iyo doorashooyin daahfuran — dhamaan waxay dilayaa dimuqraadiyadda curdunka ah ee Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo go'aan adag ka qaatay taageerada amniga Soomaaliya

Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay ayaa la sheegay inay wadaan dadaallo lagu raadinayo xal waara oo lagu sii wadi karo hawlgalka.

  • Soomaliya

    18-07-2026

  • 09:33AM

C/kariin Ciidle oo lagu celiyay Mareykanka si uu u wajaho dacwad musuqmaasuq $250 milyan ah

Mas'uuliyiintu waxay sheegeen in Cabdikariim uu ka baxsaday Mareykanka kaddib markii dacwadaha lagu soo oogay sanadkii 2022.

  • Soomaliya

    17-07-2026

  • 09:13PM