Goorta la filayo in lagu dhawaaqo baarlamaanka cusub ee Jubaland

Image

KISMAAYO, Jubbaland - Magaalada Kismayo xarunta KMG ah ee Jubaland ayaa waxaa ka socda diyaargarowgii ugu dambeeyey ee lagaga dhaawaqayo Barlaman maamulkaas yeesho ka hor doorashada Madaxweynaha taas oo laga filayo iney dhacdo inta lagu gudo jiro bisha August, sidaas waxaa GO u sheegey saraakiil ku dhow Madaxtooyada.

Sida warsidaha Garowe Online fahansan yahay, waxaa la filayaa in liiska Xildhibaanada cusub ee Jubaland lagu dhawaaqo 48 saac ee soo socota.

Barlamanka Jubaland ayaa waxaa xubnihiisa soo xulaya odey dhaqameedka maamulkaas kuwaas oo maalmihii la soo dhaafey liiska mudanayaasha cusub ka qabanayey beelaha dagan gobolada hoos taga maamulkaas.

Jubaland oo bilihii la soo dhaafey uu ka socdey olole siyaasdeed ee xoogan ayaa waxaa khilaaf u dhexeeya maamulka talada haya iyo dowlada Federaalka. 

Dowlada Federaalka oo aan qarsan diidamadeeda ku aadan in Madaxweyne Axmad Madoobe xukunka dib ugu soo noqdo ayaa waxaa lagu eedeyey iney faragalin ku hayso arimaha gudaha ee maamulkaas kadib markii ay tageertey qaar ka tirsan xubnaha u tartamaya xilka ugu sareeya maamulkaas, halka dhinaca kale ka hortimid qaabka loo diyaariyey iney doorashadaas u dhacdo.

Doorashada Jubaland oo noqoneysa midii labaad tan iyo intii maamulkaan dhidibada loo taagey ayaa waxaa la filayaa inuu dib isu sharaxo ninka ugu awooda badan musharaxiinta xilkaan raadineysa ee Axamad Madoobe.

Axmad Madoobe oo Jabhad uu hogaaminayo ay dib ugu qabsatey ururka Al-shabaab qaybo kamid ah degaanada Jubaland gaar ahaan magaalada Kismayo ayaa tageero siyaasdeed ka haysta dalka Kenya.

Kenya oo xuduud la leh maamulkaasi kamid ah kuwa xubnaha ka ah xukuumadda federaalka ayaa ciidamadeedu waxay qayb ka ahaayeen in xorreynta gobolkaas.

Kulan dhexmarey Jubaland iyo AMISOM ayaa warsaxafadeed ka soo baxay Madaxtooyada loo arimiyo maamulkaas waxaa lagu sheegey shan qodob oo ka hadlaya amni sugida inta lagu gudo jiro doorashada.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Calmiskaad ku dilay in ka badan 700 dagaalyahan Ajaanib ah 

Weerarka, oo billowday dabayaaqadii sanadkii hore, ayaa lagu sheegay inuu hoos u dhigay joogitaanka ISIS ee aaggaas ilaa 70%.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 06:50AM

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM