Waqtiga la filayo in uu soo baxo war-murtiyeedka wadahadalka Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxda ku shirsan Muqdisho ee kawada tashaneysa arrimaha doorashooyinka Soomaaliya ee 2020-21 ayaa maanta qaatay nasiino, iyaddoo qaarkood ay la kulmeen wakiilada Beesha Caalamka.

Illo xog-ogaal ah kuna dhow hogaamiyeyaasha kulansan ayaa u sheegay warsidaha GO in ay u badan tahay in wadahadalada lasoo gabagabeeyo habeen dambe isla markaana ay soo saaraan war-murtiyeed wadajir.

Lagama sii horudhici karin fahfaahinta war-murtiyeed, hase ahaatee, waxaa la ogaadey nuqulo kamid ah arrimaha ay isku afgaratay madaxda.

Wararka ayaa tilmaamaya in ay isla meel-dhigeen in doorashooyinka soo aadan aanan lagu geli doonin hanaanka xisbiyadda badan.

Sidoo kale, waxaa lagu waramay in ay isla qaateen in maamulka doorashada ay si siman u maamulaan guddiga doorashooyinka qaranka iyo guddi kale oo ka imaanaya dhanka dowladaha xubinta ka ah dowlada federaalka.

Beesha Caalamka ayaa gedaal ka riixeysa in coddeynta ay kaalin ku yeeshaan Guddiga doorashooyinka Qaranka maadaama ay maalgelinayeen sanadihii lasoo dhaafay si ay hogaamiyaan cod-bixin ku saleysan qof iyo cod.

Puntland iyo Jubaland ayaa si weyn uga soo horjeeda in Guddiga ay madaxda ka tahay Xaliima Yarey uu dowr ku yeesho coddeynta soo aadan, iyagoo cuskaday in waajibaadkoodu yahay in ay maamulaan doorasho dadweyne.

Sidda ay xogta muujineyso, madaxda federaalka iyo maamulada ayaan wali is-faham buuxda ka gaarin goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka iyo tirada ergada.

Wadaxaajoodyo kale oo ay berri isugu imaan doonan ayaa filayaa in ay ku faa'qiidaan qodobada harsan kahor inta uusan war-murtiyeedka soo bixin.

Kulankaan ayaa 13-kii bishaan September, sanadka 2020 wuxuu ka furmay Villa Soomaaliya, waxaana ka qeybgalaya madaxweyne Farmaajo, madaxda shanta maamul goboleed ee dalka jira iyo gudoomiyaha gobolka Banaadir.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM