Gorgortankii Rooble iyo Musharaxiinta oo lagu kala kacay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Shirkii saddexaad ee Xukuumadda Xil-gaarsiinta iyo Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa wuxuu kusoo dhamaadey natiijo la'aan markii dhinacyada isku-fahmi-waayeen hal qodob.

Sidda ay xaqiijiyeen labadda dhinac, qodobka fashiliyey wadahadaladda ayaa ah doorka Midowga Musharaxiinta Madaxtinimadda ku yeelanayo wadaxaajoodyada soo aadan ee doorashooyinka.

Ra'iisul Wasaaraha xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in wali albaabadda gorgortanka wali furan yihiin, isaga oo xusay in bedelka heshiiskii 17-kii Sepyember "uusan kaligii xaq u lahayn"

"Shirkii aan la qaatay Midowga Musharaxiinta, waxaan sameynay tanaasul badan. Qodobbadii aan ka hadalnay waan isku raacnay marka laga reebo qodob ay ku adkeysteen oo ah in laga qeyb galiyo shirka Madasha Dowladda Federaalka, Dowlad-goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, taas oo la macne ah in dib loo furfuro heshiiskii 17-kii September,2020, oo aanan kaligey xaq u lahayn wax ka baddelkiisa," ayuu yiri, sidda ay kasoo xigatay warbaahinta dowladda.

Rooble ayaa ku dara: "Wali Albaabadeydu way u furan yihiin wada hadal iyo is-qancin, si aan xal kama dambeys ah u gaarno dalkana uga hirgalinno doorasho hufan oo si nabad ah ku dhacda".

Midowga Musharaxiinta Madaxtinimadda ayaa ku eedeeyay burburka shirka madaxweynaha waqtiga ka dhamaadey Farmaajo kaasoo ay si toos ah u sheegeen "in uu gedaal uga dhegan yahay Rooble".

"Waxaan aad iyo aad uga xunahay in dad go’aanka ayaga iska leh oo dastuuriyan iyo siyaasiyan u leh oo aan cawada oo dhan la fadhinay in ay muuqatay in go’aanka aysan ayaga laheyn. Waa nasiib darro u soo hooyatay taariikhda siyaasadda Soomaaliya runtii. Waxaan jeclaan lahayn in kalsooni is-geliyaan oo ay aaminaan in talada iyo go’aanka siyaasadeed ee dalka in ay ayaga leeyihiin," ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo u hadlay musharaxiinta.

"Waxaan aad iyo aad uga xunahay in dad go’aanka ayaga iska leh oo dastuuriyan iyo siyaasiyan u leh oo aan cawada oo dhan la fadhinay in ay muuqatay in go’aanka aysan ayaga laheyn. Waa nasiib darro u soo hooyatay taariikhda siyaasadda Soomaaliya runtii. Waxaan jeclaan lahayn in kalsooni is-geliyaan oo ay aaminaan in talada iyo go’aanka siyaasadeed ee dalka in ay ayaga leeyihiin.

Xasan Xundubey, wasiirka amniga Soomaaliya oo tafaasiil hal dhinac ah bixiyey, ayaa sheegay in musharaxiinta ay "ku kalsoonaan waayeen in wadahadalada ku metelaan maamul goboleedyadda".

Burburka wadahadalkan oo ahaa fursadii ugu dambeysay ee Soomaaliya uga gudbi kartay mar-xalada kala guurka ah si nabad ah ayaa sii xoojineysa hubanti la'aan doorasho daahfuran iyo is-faham wada-ogol ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cudur ka dilaacay Soomaaliya oo 120 qof ku dhimatay

Waxay sheegtay in heerka dhimashadu uu waxyar ka sarreeyo heerka heerka degdegga ah ee Ururka WHO oo ka yar ama la mid ah 1 boqolkiiba.

  • Soomaliya

    20-05-2024

  • 12:52PM

Sheekh Shariif oo kahor-yimid go'aanadii Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran

Puntland ayaa sidoo kale diiday ka qeybgalka Shirka iyo natiijadii kasoo baxday, iyadoo eedeymo culus u jeedisay Madaxweyne Xasan Sheekh.

  • Soomaliya

    19-05-2024

  • 11:11AM