Guddi loo magacaabay doorashada gudoonka baarlamaanka KG

Image

BAYDHABO, Koonfur Galbeed – Guddoomiyaha ku meelgaarka ah ee baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa Arbacada maanta ah wuxuu magacaabay Guddiga qabanqaabadda doorashadda guddoonka rasmiga ah.

Xasan Cabdinuur Aadan ayaa soo xushay 15 xubnood oo ka tirsan Golaha Wakiiladda maamulkaas oo guud ahaan ah 95.

Guddiga oo yeelan doona fadhigii koowaad ayaa qorshuhu yahay in ay soo saaraan habraaca guud ee doorashadda.

Qodobadda laga filayo in ay kala caddeeyaan waxaa kamid ah shuruudaha laga rabo murashaxiinta iyo lacagta laga doonayo.

Axmed Saciid Fiqi, danjirhii Soomaaliya ee Midowga Yurub isla markaana xilal kala duwan soo qabtey oo golaha kamid noqdey, ayaa la fahansan yahay in lala doonayo xilka afhayeenka baarlamaanka maamulkaas.

Sidda ay wararku sheegayaan, Fiqi wuxuu ka socdaa dhanka Villa Soomaaliya oo Baydhabo ka hirgelisay maamul daacad u ah.

Cabdicasiis Laftagareen, madaxweynaha haatan ee Koonfur Galbeed, ayaa ka tirsanaa Wasiiradda Khayre si lamid ah hogaamiyaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye [Qoorqoor] oo Xukuumada Federaalka qayb ka ahaa.

Magacyadda Guddiga

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Ismari-waaga Siyaasadeed oo Halis Geliyay Rajadii Dowladda ee Taageerada Caalamiga ah iyo Ajandaha Amniga

Midda koowaad ayaa ahayd inay sare u qaaddo kalsoonida deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah, gaar ahaan Bangiga Adduunka.

  • Soomaliya

    27-07-2026

  • 07:50PM

Soomaaliya oo u yeertay Safiirka Kenya kadib markii Wasiir loo diiday gelitaanka Kenya

Dhacdadan ayaa timid wax ka yar bil kaddib markii sidoo kale la sheegay in Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    27-07-2026

  • 01:22PM