Guddi loo saarey xiritaanka Masaajida Muqdisho ee laga hor-yimid

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta, Sheikh Nuur Maxamed Xasan iyo Culimaa’udiinka oo maanta kulmay ayaa ka wada hadlay dardar gelinta dadaallada lagula tacaalayo cudurka CoronaVirus / COVID19.

Culimada iyo wasiirka oo si qota dheer uga dooday hannaanka wax looga qaban karo faafitaanka cudurkan safmarka ah ee ku soo kordhay dalkeenna ayaa isla gartay in Culimada oo ka mid ah dadka ay bulshadu dhageysato ay kaalin weyn ka qaataan wacyigelinta bulshada ee ku aaddan cudurkan khatarta ah ee Covid19.

Sidoo kale waxay laba dhican hoosta ka xariiqeen in in la dhiso guddi ka shaqeeya taakuleynta iyo caawinta qeybaha nugul ee bulshada oo uu saameynta nololeed ku yeelanayo cudurkan Coronavirus, maadaama ay nagu soo aaddan tahay bisha barakeysan ee Ramadaan.

Kulanka intii uu socday ayaa sidoo kale waxaa la isku raacay in la dhigso guddi ka kooban Dowladda, khubarada caafimaadka iyo culimada si ay u qiimeeyaan go’aanna uga gaaraan sida laga yeelayo arrinta masaajidda kadib marka ay sameeyaan cilmi baaris diini iyo mid caafimaad.

Ugu dambeyn, culimada iyo wasiirka ayaa waxay mar kale la fareen ganacsatada Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan in ay u turaan shacabka oo aysan sare u qaadin qiimaha waxyaabaha daruuriga u ah nolosha shacabka Soomaaliyeed, culimadana wacyigalin ka sameyso, hay’adaha dowladda ee arrintu khuseysana tallaabada ku habboon ka qaadaan.

Kiisaska caabuqa safmareenka ah ee illaa iyo haatan la xaqiijiyey ayaa gaaraya 21, oo laba kamid ah ay yihiin ajaaniib la shaqeysa xafiiska Qaramada Midoobay.

Kulanka dhex maray wasiirka diinta iyo Awqaafta iyo culimada Soomaaliyeed waxaa goobjoog ka ahaa masuuliyiinta wasaaradda, mas’uuliyiin ka socotay xafiiska ra’iisulwasaaraha, dhaqaatiir Iyo saraakiil ka socay hay’adaha Amniga dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo u yeertay Safiirka Kenya kadib markii Wasiir loo diiday gelitaanka Kenya

Dhacdadan ayaa timid wax ka yar bil kaddib markii sidoo kale la sheegay in Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    27-07-2026

  • 01:22PM

Saraakiil Soomaali ah oo ku dhow Xasan Sheekh oo wajahaya xayiraado safar - XOG

Waddamada reer Galbeedka ayaa bilihii u dambeeyay xoogga saaraya doorka caasimadaha Afrika ee deriska la ah Soomaaliya.

  • Soomaliya

    27-07-2026

  • 12:23PM