Guddiga doorashada Koonfur Galbeed oo war soo saarey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Gudoomiyaha Guddiga doorashadda Koonfur Galbeed, Shaacir Cumar Bayle, ayaa meesha ka saarey dib-u-udhac mar kale ku yimaada waqitii loo qorsheeyay doorashada oo ah Dec. 19 xili hore loo dib-dhigay tiro 3 jeer ah.

Bayle ayaa tibaaxay inay udiyaar-san yihiin dhamaan adeegyadii suurtagelin lahaa qabsoomida doorashadda, wuxuuna balanqaaday inay noqon doonto mid xor oo xalaal ah, islamarkaana ka fog eexasho.

“Dib-u-dhac aan hadda ku fekerayno ma jirto..Xiliga loo qorsheeyay inay dhacaysaa..Waxaana caddeyneynaa inaan dooneyno inay noqoto mid xor oo xalaal ah,” ayuu Gudomiyuhu u sheegay warbaahinta.

Dhinaca kale, Maxamed Suldaan Maxamed, oo ah Gudoomiyaha Guddi hoosaadka diiwaan-gelinta murashaxiinta iyo nidaamka goobta ay ka qabsoomeyso coddeynta ayaa carabka ku adkeeyay in la diyaariyay madasha.

Shacabka Koonfur Galbeed ayuu ku booriyay inay kala shaqeeyaan laamaha amniga xilliga doorashadda inay sugaan nabad-gelyadda, isaga oo hay’addaha amniga ku waaniyay inay Rayidka uturaan.

Ugu dambeyntii, Gudoomiye Maxamed ayaa daboolka ka qaaday inay saacadaha nagu soo foodleh ay soo saari doonan qaabka ay udhacayso doorashadda [Habraaca], si wax kasta ay unoqdaan kuwa daafuran, siduu hadalka udhigay.

Doorashadda Koonfur Galbeed oo indhaha lagu wadada hayo ayaa waxaa ku loolamaya Mucaaradka iyo dowladda uu hogaamiyo Farmaajo, xili ay kamid tahay arrimaha keenay Mooshinka haatan ka yeelay Madaxwaynaha.

Villa Soomaaliya ayaa dhowr jeer waxaa lagu eedeeyay inay faragelin ku hayso Kooxda qaban-qaabada coddeynta xili ujeedka Madaxtooyadda uu yahay inuu kusoo baxo Murashax ay iyadda dabada ka riixayso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Ka Taagan Bartamaha Soomaaliya kadib Markii Al-Shabab la wareegtay Degmo muhiim ah

Si looga jawaabo weerarkaasi, dagaalyahanada Macawiisleey, oo ah maleeshiyo bulsho oo taageerta dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 11:16AM

Xasan Shiikh oo ka soo muuqdey Antalya xilli Soomaaliya ay wajahayso qalalaase amni iyo siyaasadeed

Sawirkan oo aad loogu falceliyay baraha bulshada, ayaa yimid xilli dalka…

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 01:47AM