Guddiga Doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo la shaaciyay

Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Baarlamaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta oo Axad ah magacaabey gudiga doorashada Madaxweynaha maamulkaasi, taasoo la filayo inay dhacdo bisha soo socota ee November 2018.

Gudigan oo ka koban 27 xubnood ayaa waxaa la horgeeyay Gollaha sharciga dejinta Maamulka Koonfur Galbeed, oo kulankoodii maanta ee ka dhacay Baydhabo cod gacan taag ah ku ansixiyay. Waxaa ogolaatay 93 Xildhibaan, waxaana diiday 13 mudane.

Gudoomiyaha Gollaha Wakiiladda Koonfur Galbeed, Cabdulqaadir Shariif Sheekhuna ayaa ku dhawaaqay in la meel-mariyay gudiga qaban-qaabada doorashada Madaxweynaha maamulkan.

Doorashada waxaa isku soo sharaxay musharaxiin dhowr ah, oo ay kamid yihiin Mukhtaar Roobow, hogaamiye ku xigeenkii hore ee Al-Shabaab, Taliyihii NISA, Xuseen Maxamed Xuseen, Madaxweynaha haya talada, Shariif Xasan iyo wasiirkii maaliyadda dowladdii Xasan Sheekh, Maxamed Ibraahim Farkeeti iyo kuwa kale.

Musharaxiinta qaar ayaa la sheegay inay taageero ka helayaan dowladda Federaalka Soomaaliya, oo khilaaf siyaasadeed hadda kala dhaxeeya Madaxweyne Shariif Xasan.

HOOS KA AKHRI LIISKA GUDIGA DOORASHADA:

GAROW ONLINE

 

 

Related Articles

Taliyaha AFRICOM: Taageerada Mareykanka waxay ku xiran tahay horumarka siyaasadeed iyo amni ee Soomaaliya

Haddaladda Jeneraal Anderson ayaa ku soo beegmaya xilli Soomaaliya ay wajahayo caqabado dhinaca amniga iyo siyaasadda ah.

  • Soomaliya

    01-08-2026

  • 09:16AM

Warmurtiyeedka Kampala oo Banaanka Keenay Khilaaf u Dhexeeya Soomaaliya iyo Dalalka Gobolka

Ilo ku dhow wada-hadallada ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka biyo diiday in qodobkaas lagu daro warmurtiyeedka.

  • Soomaliya

    01-08-2026

  • 05:49AM