Guddiga Doorashooyinka oo warbixin u gudbiyey Farmaajo iyo Khayre

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Guddiga ku meelgaarka ah ee doorashooyinka Soomaaliya ayaa maanta oo Khamiis wuxuu kulan la yeeshay madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

Qoraal kasoo baxay Guddiga ayaa lagu sheegay in hogaanka dalka ay u gudbiyeen warbixin la xiriirta coddeynta qorsuhu yahay in ay ka dhacdo waddanka sanadka soo aadan ee 2020-21.

Warbixintooda ayaa kaliya ku saabsaneyd diyaar-garowga farsamo ahaan ee doorashooyinka sanadka 2020-21, sidda ku cad warbixinta oo nuqul kamid ah uu arkay bogga Garowe Online.

Bayaanka ayaanan lagu adeegsan erayga ama kalmadda "doorashooyin qof iyo cod ah", maadaama qorshuhu ahaa sidaas.

Tani ayaa waxay dhalineysaa su'aallo ku saabsan in uu isbedelay mowqifka Guddiga oo ahaa in ay hirgelin lahaa "qof iyo cod".

Qaar kamid ah maamulada, xubno ka tirsan dowladda iyo siyaasiyiin ayaa qaba in aysan dhici karin doorashooyin qof iyo cod, waxayna cuskanayaan amniga oo liita iyo degaano wali ku jira gacanta Al-Shabaab.

Sharciga Doorashooyinka oo soo jeedinaya in nidaamka doorashooyinka sanadka dambe uu noqdo "Horeeyaa guuleysta" ayaa horyaala baarlamaanka oo laga codsadey in uu ansixiyo dhamaadka 2019-ka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jadwalka cusub ee doorashooyinka oo khatar gelinaya wada-hadallada dowladda iyo mucaaradka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horey isugu yeeray isbahaysiga mucaaradka ee "Somalia's Future Council".

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 03:07PM

Mucaaradka oo Muqdisho ku yeeshay shir ku saabsan hannaan doorasho oo cusub

Weli ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan kulamada mucaaradka.

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 02:41PM