Guddiga Doorashooyinka oo warbixin u gudbiyey Farmaajo iyo Khayre

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Guddiga ku meelgaarka ah ee doorashooyinka Soomaaliya ayaa maanta oo Khamiis wuxuu kulan la yeeshay madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

Qoraal kasoo baxay Guddiga ayaa lagu sheegay in hogaanka dalka ay u gudbiyeen warbixin la xiriirta coddeynta qorsuhu yahay in ay ka dhacdo waddanka sanadka soo aadan ee 2020-21.

Warbixintooda ayaa kaliya ku saabsaneyd diyaar-garowga farsamo ahaan ee doorashooyinka sanadka 2020-21, sidda ku cad warbixinta oo nuqul kamid ah uu arkay bogga Garowe Online.

Bayaanka ayaanan lagu adeegsan erayga ama kalmadda "doorashooyin qof iyo cod ah", maadaama qorshuhu ahaa sidaas.

Tani ayaa waxay dhalineysaa su'aallo ku saabsan in uu isbedelay mowqifka Guddiga oo ahaa in ay hirgelin lahaa "qof iyo cod".

Qaar kamid ah maamulada, xubno ka tirsan dowladda iyo siyaasiyiin ayaa qaba in aysan dhici karin doorashooyin qof iyo cod, waxayna cuskanayaan amniga oo liita iyo degaano wali ku jira gacanta Al-Shabaab.

Sharciga Doorashooyinka oo soo jeedinaya in nidaamka doorashooyinka sanadka dambe uu noqdo "Horeeyaa guuleysta" ayaa horyaala baarlamaanka oo laga codsadey in uu ansixiyo dhamaadka 2019-ka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM