Guddiga doorashooyinka Soomaaliya oo hortegaya baarlamaanka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Guddiga madaxa-banaan ee doorashooyinka Soomaaliya ayaa lagu waddaa in ay 27-da May, 2020 ay hor-tagaan baarlamaanka federaalka, sidda uu ogaadey mareega Garowe Online.

Illo wareedyo ayaa sheegay "in guddiga ay u badan tahay in uu ku adkeysto qabashadda doorasho qof iyo cod ah" taas oo shaki laga muujiyey.

Talaabadan ayaa hor-seedi karta muddo kororsi ay sameysto xukuumadda taladda haysa, wallow mucaaradka uu ka digayo arrinkaas.

Dhinacyo badan ayaa mar sii horeysay ka dhawaajiyey in aysan dhici karin doorasho qof iyo cod ah, iyagoo cuskaday "diyaar-garow la'aanta dowladda dhanka ammaanka iyo arrimaha muhiim ah".

Wararka ayaa intaas ku daraya in xubnaha guddiga ay u soo bandhigi doonan baarlamaanka jadwal lagu qaban karo doorashadda.

Saaxiibadda caalamka ayaa ku adkeystay ahmiyadda ay leedahay in doorashooyinka ay waqtigooda ku dhacaan, iyagoo raaciyey "Soomaalida way u qalmaa in ay ogaadaan waqtiga doorashooyinka".

Mudada xileedka baarlamaanka haatan jooga iyo xukuumadda ee Soomaaliya ayaa dhamaanaya bisha October ee sanadkan 2020.

Hay'adda Xasaradaha Caalamka ee ICG oo ka digtay qalalaaso ka dhasha dib-u-dhac ku yimaadda doorashooyinka soo aadan ee Soomaaliya ayaa ku talisay in lagu wajaho wadahadal iyo hanaan lawada ogol-yahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM