Guddiga lagu muransan oo baaq u diray DF iyo maamulada

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Guddiga lagu muransan-yahay ee doorashooyinka Soomaaliya 2020-21 ayaa wuxuu baaq u diray dhinacyadda "ay ka go'do" talada doorashooyinka oo ah dowladda federaalka ah iyo maamul goboleedyadda.

War qoraal ah oo kasoo baxay guddiga ayaa Isniinta ah waxaa lagu sheegay in ay ugu baaqayaan darafyaddaas in ay ka fogaadaan wax kasta oo keenaya " hadallada ku dhisan kala kaxaynta iyo qaybinta bulshada Soomaaliyeed".

Sidda ku xusan qoraalka kasoo baxay guddiga, dowladda federaalka ah iyo maamul goboleedyadda waa in ay ka shaqeeyaan sidii loo dhaqan-gelin lahaa heshiiska doorashooyinka 17-kii September kaasoo khilaafka ka taagan yahay.

Qoraalka guddiga ayaa u qornaa siddan tan

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal oo ugu baaqay Golaha Wadatashiga Qaranka in ay deg deg kulan isugu yimaaddaan, si loo xaliyo tabashooyinka kasoo laabtay heshiiskii 17-kii Sebteembar 2020.

Guddigu wuxuu kaloo soo dhoweynayaa heshiiskii dhawaan ay wada galeen Midowga Musharixiinta iyo Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee ku saabsanaa is fahamka waxyaabihii dhacay, waxaana guddigu ku boorrinayaa in ay sii wadaan dadaallada la isugu soo dhoweynayo dhinacyada siyaasadda iyo daneeyayaasha kale ee doorashooyinka, si wadanka ay uga qabsoonto doorasho loo wada dhan yahay oo xor iyo xalaal ah.

Guddigu isagoo ka eegaya xaaladda dalka dhinacyada amniga, siyaasadda iyo duruufaha kale ee nololeed ee ay qabaan dadka Soomaaliyeed, una baahan in laga gudbo marxaladdan wuxuu ku baaqayaa in dhinacyada Dowlad Goboleedyada iyo Dowladda Federaalka oo ah cidda ay ka go’do taladda doorashadu ay fuliyaan heshiiskii doorashada ee 17 Sebteembar 2020.

Guddigu waxaa kale oo uu ugu baaqayaa dhammaan dhinacyada in ay ku dadaalaan, qaybna ka qaataan isu soo dhoweynta dadka, lagana fogaado hadallada ku dhisan kala kaxaynta iyo qaybinta bulshada.

Guddigu wuxuu u mahad celinayaa cid kasta oo ka qayb qaadatay dadaaladii xal u helidda ee heshiiskii Muqdisho ka dhacay 25 Febraayo. Sidoo kale waxaa Guddigu u mahad celinayaa dadaalada xoogan ee ay Beesha Caalamka ugu kala dab qaadayaan dhinacyada si loo gaaro is faham buuxa.

Ugu dambeyntii, Guddigu waxa uu shacabka Soomaaliyeed u caddeynayaa in xalka kaliya ee marxaladdaan xasaasiga ah looga gudbi karaa ay tahay in dalka ay ka dhacdo doorasho loo dhanyahay, iyadoo guddiguna diyaariyey dhammaan habraacyadii doorashooyinka ee loo baahnaa, una diyaarsanyahay qabashada doorasho xor iyo xalaal ah, oo ka dhacda dalka, waafaqsanna heshiiskii siyaasadeed ee ka soo baxay Golaha Wadatashiga Qaran 17/09/2020.


Musharaxiinta iyo bulshadda qeybaheeda kala duwan si lamid ah maamuladda qaar ayaa sheegay in guddigan uusan dhexdhexaad ahayn kuna jiraan xubno u jaranjeera Villa Soomaaliya, waana mid kamid ah caqabadaha hareeyay doorashooyinka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo raadineysa iskaashi dhanka amniga ah oo la yeelato Ruushka

Sida uu sheegay madaxweyne ku-xigeenka labaad, Soomaaliya waxay si dhow ula shaqeyn doontaa saaxiibada horumarinta si loo riixo amniga iyo xasilloonida.

  • Soomaliya

    21-05-2024

  • 01:59PM

Soomaaliya oo ka qeybgashay shir looga hadlayo caqabadaha biyo helida

Madashaan ayaa waxaa lagu qabtay Magaala Xeebeedka Jaziiradda Bali ee Dalka Indonesia.

  • Soomaliya

    21-05-2024

  • 04:21AM