Guddiga madaxweyne Xaaf oo soo saarey jadwal doorasho

Image

GAALKACYO, Galmudug - Guddiga uu magacaabay madaxweyne Axmed Ducaale Geelle [Xaaf] ayaa soo saarey jadwal doorasho ay ku cad yihiin coddeyn la filayo in ay ka qabsoonto Gaalkacyo.

Tani ayaa qayb ka ah jahwareer horleh oo maamulkan uu lugaha lasii gelayo maadaama qabanqaabada doorasho kale ay ka socoto Dhuusamareeb, caasimada rasmiga ah ee dowlad goboleedka.

Jadwalka guddiga Xaaf ayaa xeerinaya in Xildhibaanadda lasoo xuli doono 18-ka bishaan Janaayo 2020, iyaddoo lagu darayo qoondada ay leedahay Ahlu Sunna Waljameeca.

Doorashadda guddoonka baarlamaanka ayaa loo muddeeyay 25-ka Janaayo, 2020. Doorashadda madaxweynaha ayuu guddigu shaaciyey in ay qabsoomeyso 1-da bisha Febraayo, 2020-ka.

Hoos ka akhriso qoraalka

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo Taageertay Wada-hadallada Is-mari-waaga Doorashada

Baqaan wada-hadal ee uu horay u soo saaray Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u helay taageerada Midowga Yurub.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 10:44AM

Farmaajo: Muuse Biixi wuxuu aqbalay midnimada Soomaaliya kadib dhexdhexaadintii Abiy Ahmed

Farmaajo wuxuu intaas ku daray in Abiy Ahmed uu u sheegay Muuse Bihi in Somaliland aysan heli doonin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 09:33AM