Guddiga madaxweyne Xaaf oo soo saarey jadwal doorasho

Image

GAALKACYO, Galmudug - Guddiga uu magacaabay madaxweyne Axmed Ducaale Geelle [Xaaf] ayaa soo saarey jadwal doorasho ay ku cad yihiin coddeyn la filayo in ay ka qabsoonto Gaalkacyo.

Tani ayaa qayb ka ah jahwareer horleh oo maamulkan uu lugaha lasii gelayo maadaama qabanqaabada doorasho kale ay ka socoto Dhuusamareeb, caasimada rasmiga ah ee dowlad goboleedka.

Jadwalka guddiga Xaaf ayaa xeerinaya in Xildhibaanadda lasoo xuli doono 18-ka bishaan Janaayo 2020, iyaddoo lagu darayo qoondada ay leedahay Ahlu Sunna Waljameeca.

Doorashadda guddoonka baarlamaanka ayaa loo muddeeyay 25-ka Janaayo, 2020. Doorashadda madaxweynaha ayuu guddigu shaaciyey in ay qabsoomeyso 1-da bisha Febraayo, 2020-ka.

Hoos ka akhriso qoraalka

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM