Guddiga Soomaaliya ee kiiska badda oo u duulay Hague

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddi la sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ee muddo xileedkeedu dhamaadey u xil-saartay dhageysiga dacwadda badda ayaa maanta ka duulay garoonka Aadan Cadde.

Sii-haayaha ra'iisul wasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed [Khadar] ayaa horkacaya guddigan oo uu qeyb ka yahay Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Dr Suleymaani Maxamed Maxamuud.

Socdaalka wafdigan ayaa kusii  jeeda magaaladda The Hague oo ay ka tirsan waddanka Holland halkaasoo ay ku taalo xarunta maxkamadda kiiskan qaadeysa ee ICJ.

Warbaahinta ku hadasha afka dowladda ayaa intaas ku dartay in xubnaha guddiga ay kamid yihiin shaqsiyaad kale "oo ku xeel-dheer arrimaha sharciga". Balse, ma aysan soo bandhigin magacyadda.

Khadar oo kasoo muuqdey shir jaraa'id oo ka dhacay gudaha madaarka Aadan Cadde ayaa waxaa hareerihiisa taagnaa Yuusuf Garaad Cumar, wasiirkii hore ee arrimaha dibadda haddana ah ergay gaar ah.

Xeer-ilaaliyihii hore Axmed Cali Daahir ayaa sidoo kale wuxuu qeyb ka yahay guddigan oo shacabka Soomaaliyeed waydiistay garab-istaag iyo duco.

Ku xigeenka wasiirka koowaad ee xukuumadda xil-gaarsiinta ayaa sheegay in Soomaaliya ay "rajo wanaagsan" ka qabto in ay "guul taariikhi ah" kasoo heli doonto fadhiga dhageysiga gal-dacwadeedkan badeed.

Kenya ayuu ku eedeeyay in tan iyo bilowgii kiiskan oo ah sanadkii 2014-kii ay ku doodeyso in dooda lagu xaliyo meel ka baxsan xeerbeegtadda. Dalabkaas waxaa ku gacan-seyrtay Muqdisho.

Dhageysiga oo ah fadhigii ugu dambeeyay oo Maxkamadda Cadaaladda Aduunka ICJ ka yeelatay dacwadda badda ayaa bilaaban doona 15-ka bishaan Maajo, wuxuuna dhamaan doonaa 19-ka isla bishaan aan ku jirno.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM