Guddiga xalinta khilaafka doorashada oo guddoon yeeshay

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xubnaha guddiga xalinta khilaafaadka ee heer federal ayaa maanta oo Talaada ah kulankoodii ugu horeeyay oo ka dhacay taandhada Afisiyooni ku doortay gudoomiye rasmi ah.

Kulankan waxa soo xaadiray 21 xubnood. Xilka gudoomiyaha guddiga xalinta khilaafaadka waxa isku soo sharaxay 1) Cabdilahi Abyan Nuur iyo 2) Cali Maxamuud Farah (Cali Zeko).

Natiijada Doorashada gudoomiyaha ayaa waxay noqotay; Abdulahi Abyan Nuur ayaa waxa uu helay 14 cod, halka Cali Maxamuud Faarah (Cali Zeko) uu helay 7 cod.

"Sidaas darteeda, Mudane Cabdullaahi Abyan Nuur ayaa noqon doona gudoomiyaha cusub ee Guddiga xalinta Khilaafaadka ee Heer Federal," ayaa lagu yiri qoraal rasmiya oo kasoo baxay guddiga doorashada.

Nuur oo ka hadlay madasha lagu doortay ayaa muujiyey farxad badan. Cali Zeko oo qudhiisa ka hadlay madasha wuxuu aqbalay natiijadda, isaga oo wanaag u rajeeyay mas'uulka kaga adkaadey coddeynta.

Guddiga xalinta khilaafaadka ayaa waajibaadooda wuxuu yahay in ay farageliyaan isla markaana ay si hoose ah ku dhameeyaan khilaafaadka ka yimaada xulista Xildhibaanada labada gole ee waddanka.

Iyadda oo xaruntooda ugu weyn ay noqoneyso magaala madaxda Muqdisho, haddana waxaa degaan doorashooyinka u jooga wakiilo kuwaas oo ka shaqeyn doona sidii ay qaab deg-deg ah u xalin lahaa cabashada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka Soomaaliya oo diiday jadwalka doorashooyinka 2027, kuna tilmaamay hannaan hal dhinac ah

Sida ku cad jadwalka uu guddigu shaaciyay, doorashooyinka labada aqal ee baarlamaanka federaalka ayaa la qaban doonaa 15-ka Abriil 2027.

  • Soomaliya

    15-10-2026

  • 12:20PM

Villa Somalia oo shaacinaysa jadwalka doorashada federaalka ee 2027, iyadoo aan heshiis siyaasadeed laga gaarin

Sida ay wararku sheegayaan, jadwalka la diyaariyay ayaa dhigaya in doorashada federaalka lagu qabto muddo 180 maalmood ah.

  • Soomaliya

    14-10-2026

  • 02:17PM