Guddiyada cusub ee doorashooyinka oo la shaaciyey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul wasaaraha xukuumada xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa Sabtida maanta ah si rasmiya magacaabay guddiyadda cusub ee doorashooyinka Soomaaliya.

Xubnahan uu ku dhawaaqay wasiirka koowaad ayaa ah kuwa ay u soo gudbiyeen maamuladda waddanka ka gedaal markii ay ka saareen xubnihii ay tabashadda ka gudbiyeen Midowga Musharaxiinta.

Kala shaandheynta guddiyadda ayaa qeyb ka ahayd heshiiska ay 27-dii Muqdisho ku gaareen madaxda Soomaalida kadib markii bilooyin ay hakad u gashay doorashooyinka is-qabqabsiga guddiyadda.

Guddiyadda uu Rooble magacaabay ayaa isugu jira; Guddiga Maamulaya Doorashada Xildhibaannada Banaadiriga, Guddiga Maamulka Doorashooyinka Xildhibaannada Labada Aqal ee ka soo jeeda Somaliland, Xubnaha Guddiyada Doorashooyinka Heer Dowlad-goboleed (SEIT), Xubnaha DFS ay ku dareyso guddiyada doorashada Dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah DFS, Xubnaha DFS ay ku dareyso guddiyada doorashada Dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah DFS, iyo Guddiyada Doorashooyinka iyo Xallinta Khilaafaadka ee heer Federaal.

Xubnahan la magacaabay ayaa la filayaa in ay dhamaantooda soo gaaraan magaala madaxda dalka ee Muqdisho halkaasoo loogu furi doono tababar ku saabsan waajibaadka culus ee loo idmadey.

Tababarka kadib, waxay dhamaantooda u kala dareeri doonan goobaha ay ka howlgalaan si ay u gutaan waajibaadkooda oo ay ugu muhiimsan tahay in ay waddanka ka qabtaan doorashooyin daahfuran.

Wareegtadda uu ku magacaabay xubnahan ayuu Rooble kula dardaarmay in ay shaqadooda u gutaan sida ugu wanaagsan isla markaana ay daacad u noqdaan dastuurka kana fogaadaan ficilada musuqa.

Hoos ka akhriso magacyadda guddiyadda

May be an image of text

No photo description available.

No photo description available.

No photo description available.

No photo description available.

No photo description available.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM