Guddiyo ka socda DF iyo maamulada oo kulmaya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Guddi farsamo oo ka kala socda dowladda federaalka ah iyo maamuladda ayaa la sheegay in ay maanta ku kulmayaan magaala madaxda ku meelgaarka Koonfur Galbeed Baydhabo.

Sidda ay muujinayaan warbixinadda, dhinac kasta waxaa guddiyadda ku metelaya min laba xubnood, iyaga oo diiradda saaraya xal u helida qodobada khilaafku ka taagan yahay ee heshiiskii 17-kii September, 2020-kii.

"Marka ay guddiyadda farsamo isla meeldhigaan xalka qodobadda la isku hayo, waxay la waraagi doonan madaxda ka sareysa kuwaas oo markii ay isla aqbalaan isugu imaan doona munaasabad lagu saxiixo," ayuu yiri mas'uul si dhow ula socda arrintaan oo khadka telefoonka ugu waramay GO.

Illo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijiyey in wakiiladda Beesha Caalamka ay fududeeyeen shirkaas isla markaana dusha kala socon doonan guud ahaan mudada uu wadahadalkaas u socda guddiyada farsamo.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa lagu waramay in guddiyada uu xubno ku leeyahay wallow ajandaha uu yahay mid aanan khuseyn.

Qodobadda la isku hayo ee kasoo noqdey heshiiskii 17-kii September ayaa kala ah; guddiyadda maamulaya coddeynta, ciidamadda dowladda ku daabushay gobolka Gedo iyo xulista wakiiladda maamulka Somaliland.

Kulanka guddiyaddan ayaa imaanaya xilli kulankii madaxweyne Farmaajo iclaamiyey in uu qabsoomo 15-kii Febraayo in uu ka dhaco caasimada Puntland ee Garowe ay maalin naga xigta una muuqdo mid fashilmay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay tahay sababta Mucaaradka u qaadacay Shirka Xasan Sheekh?

Go’aanka mucaaradka ayaa imanaya xilli uu sare u kacay khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda federaalka iyo qaar ka mid ah maamul-goboleedyada.

  • Soomaliya

    09-06-2025

  • 09:31AM

Cali Jeyte oo ceeb ku tilmaamay hadalka Axmed Maclin Fiqi

Nuur Cabdi Rooble (Nuunuule), Caddaw iyo Macallin Cumar ayuu sheegay Wasiirka difaaca DF Axmed Maclin Fiqi in lagu dilay howlgalka.

  • Soomaliya

    08-06-2025

  • 12:28PM