Gudi Aqalka Sare u diray Baydhabo oo ka warbixiyay wadahadalka KG

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa Muqdisho dib ugu soo laabtey wafdigii uu Gollaha Aqalka Sare u direy Baydhabo, kaasoo ka warbixiyay waxyaabihii usoo qabsoomay iyo kulamadii ay lasoo yeesheen mas'uuliyiinta maamulka Koonfur Galbeed.

Khilaafka siyaasadeed ee dalka ka jira ayaa soo shaac-baxey markii 8-dii bishaan September ay ku kulmeen Kismaayo hogaamiyaasha maamuladda, kuwaasoo eedaymo ujeediyey madaxda dowladda xili ay ku dhawaaqeen inay xiriirka ujareen.

Intaasi kadib, Gollaha Aqalka Sarre oo kulan deg deg ah yeeshay ayaa go'aan ku gaarey inay Wafuud u kala diraan degaanada maamul goboleedyadda, kuwaasoo qaarkood wali maqan, halka kuwa kalena ay dib ugu soo laabteen caasimadda.

Guddiyadda loo direy xarumaha maamulada ee soo laabtey ayaa warbixin kooban oo ku saabsan waxay lasoo kulmeen, ay ugudbin doonan Gollaha Aqalka Sarre, kaasoo ugu dambeyntii kasoo saari doono warbixin rasmi ah iyo natiijadda dadalaadooda.

Senator Axmed Nadiir, oo kamid ahaa xubnaha Guddiga ayaa fahfaahin dheeri ah ka bixiyey kulamada ay ku galeen caasimada gobolka Bay, ee lagu dhex-dhexaadinayo maamulka Shariif Xasan iyo dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Wuxuu shaaca ka qaadey Senator-ka inay la fariisteen gollaha wasiiradda maamulka Koonfur Galbeed, oo isla gorfeeyeen arrimaha taagan iyo sidoo xal siyaasi ah looga gaari lahaa.

"Ujeedka safarkeena wuxuu ku qotomay inaan soo helno xog dhammeystiran oo ku aadan khilaafka jira iyo wadada ugu sahlan ee lagu dhammeyn karo," ayuu yiri Senator-ka oo wareysi siiyey warbaahita ku hadasha afka dowladda Soomaaliya.

Senator-ka ayaa wuxuu carabka ku dhuftey in masuuliyiinta Koonfur Galbeed ay lasoo wadaageen waxyaabaha ay ka tabanayaa dowladda, isaga oo tibaaxey inay dhowaan ugudbin doonan Gudoonka Gollaha Aqalka Odayaasha ee Baarlamaanka Soomaaliya.

"Waxaan uusoo kuurgalnay tabashooyinka Koonfur Galbeed ee dowladda Federaalka," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Senator Axmed Nadiir, Guddoomiyaha Guddiga arrimaha Bulshadda, Warfaafinta iyo dhaqanka Golaha Aqalka sare.

Is-mariwaagga u dhaxeeya hogaamiye-yaasha dalka, ayaa gaarey heerkii ugu sareeya taasoo ka dambeysay markii Villa Soomaaliya ay faragelin qaawan ku sameysay arrimaha gudaha ee maamulada, sida ay iyaga ku doodayaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaxootiga Cadaanka Koonfur Afrika oo soo gaaray Mareykanka

Markii ay soo gaareen garoonka Washington Dulles International Airport ee Virginia…

  • Soomaliya

    13-05-2025

  • 06:59PM

Diblomaasiyiinta Beesha Caalamka oo ka xumaadey Khudbad Xamse ku weeraray Axmed Madoobe

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa qabtay dhamaadkii sanadkii hore doorasho dadban oo isaga kusoo baxay markii 3aad.

  • Soomaliya

    13-05-2025

  • 10:20AM