Gudoomiyaha Baarlamaanka DF oo gaaray Baydhabo

Image

Isniin, September 1, 2014 [GO] Wafdi uu hoggaaminayo afhayeenka Baarlamaanka DF Maxamed Cismaan Jawaari ayaa maanta gaaray magalada Baydhabo xarunta Gobalka Bay.

Wasiirro DF Ka tirsan oo horay ugu sugnaa Baydhabo iyo mamulka degmada ayaa Jawaari kusoo dhaweeyay magalada halkaasoo lagu wado inuu kulamo kala duwan la qaato dhinacaydda isku hayo Baydhabo ee ka kooban mamuladda Saddexda Gobal iyo Lixda Gobal.

Gudoomiye Jawaari oo hadal kooban warbaahinta siiyay ayaa sheegay inuu la kulmayo qaybaha kala duwan ee Shacabka magalada inkastoo uusan carabaabin inuu kala dhex gali doono mamulada wali isku hayo Baydhabo.

Ciidanka AMISOM ayaa si wayn u adkeeyay ammaanka magalada waxana qaarkood lagu arkayaa wadooyinka muhiimka ah ee ay isticmaalaan gaadiidka iyo shacabka.

Dhowaan Baydhabo waxaa ka dhacay banaanbax looga soo horjeeda safar ay magalada ku imaan lahaayeen Ra'iisul wasaraha DF Cabdiwali Shiikh Axmed iyo Wakiilka QM ee Somalia Danjire Kay kaasoo markii danbe uu ku dhintay qof shacab ah, waxayna dadku wadooyinka ku gubeen sawirka N.Kay.

Madaxwaynaha mamulka Lixda Gobal Madoobe Nuunow Maxamed ayaa horay uga hor yimi heshiis Muqdisho lagu gaaray oo la isku raacay in mamul saddex Gobal ka kooban loo dhisayo gobaladda Bay,Bakool iyo Shabeelaha Hoose.

Wararka soo gaaraya warsidaha GO ayaa tilmaamaya Jawaari inuu kulamo la qaadan doono madaxda mamulka Lixda Gobal oo kasoo horjeeda dastuurka KMG ah ee dalka.

Lama yaqaan natiijadda kasoo bixi kara socdaalka uu Afhayeenka Baarlamaanka DF ku yimi magalada Baydhabo oo waayadii danbe hoy u noqotay isku dhacyo dilal iyo dhaawac sababay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Ciraaq oo is-dhaafsanaya khibradaha dhanka amniga

Xamsa ayaa dalka Baxreyn kula kulmay Madaxweynaha Dalka Ciraaq, Abdul Latif Rashid.

  • Soomaliya

    16-05-2024

  • 03:28AM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ubax dhigay taalada SYL ee Muqdisho

Talaabadan ayaa waxa ay qeyb ka tahay xuska 81-sano guurada kasoo wareegatay aas-aaska SYL.

  • Soomaliya

    15-05-2024

  • 12:45PM