Gudoomiyaha Gudiga Doorashooyinka KG oo is-casilay

Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Gudoomiyihii Gudiga Doorashooyinka maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Carfo Ibraahim Aadan oo shir-saxaafadeed ku qabtay magaalada Baydhabo ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii gudoomiye-nimo.

Cirfo ayaa ku sheegay sababta is-casilaadiisa faragelin howlaha gudiga ee doorashooyinka maamulkaan, xilli Xildhibaanno Federaalka katirsan ay Villa Somalia ku eedeeyeen inay faragelin ku hayso doorashada, iyadoo taageerysa musharaxiinta qaar.

ah Xildhibaan katirsan Baarlamanka Koonfur Galbeed, ayaa Xilkaan waxaa loo magacaabay dabay-qaadda bishii hore ee October, markii Guddiga doorashada uu soo magacaabay Afhayeenka Sharci-dejinta dowlad goboleedkaan xubinta ka ah Federaalka.

Mudane Carfo Ibraahim Aadan oo ah xubin ka tirsan Baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa si wayn ugu dhow Shariif Xasan Aadan, kaasi oo kamid ah murashaxiita u taagan qabashada xilka ugu sareeya Koonfur Galbeed.

Ma jirto jawaab nasoo gaaray oo ay dowladda Federaalka illaa iyo haatan ka bixiso eedaynta uga timid Gudoomiyihii hore ee Guddiga doorashooyinka Koonfur Galbeed oo kusoo aadaysa xili ay maalmo ka harsan tahay doorashada.

Tani ayaa imaaneysa xili maanta uu Guddiga diiwaan-geliyay Murashax Mukhtaar Roobow Cali Abu Mansuur, kaasi oo noqday midkii ugu horeeyay ee lagu diiwaanka ramsiga ah ee Guddiga.

Doorashada maamul goboleedka Koonfur Galbeed oo qabsoomeysa 17-ka bishaan November ayaa waxaa ku haareysan siyaasado kala duwan, kuwaasi oo ay ugu horeyso khilaafka dowlada dhexe iyo maamul goboledyadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Ka Taagan Bartamaha Soomaaliya kadib Markii Al-Shabab la wareegtay Degmo muhiim ah

Si looga jawaabo weerarkaasi, dagaalyahanada Macawiisleey, oo ah maleeshiyo bulsho oo taageerta dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 11:16AM

Xasan Shiikh oo ka soo muuqdey Antalya xilli Soomaaliya ay wajahayso qalalaase amni iyo siyaasadeed

Sawirkan oo aad loogu falceliyay baraha bulshada, ayaa yimid xilli dalka…

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 01:47AM