Gudoomiyaha Maxkamadda Ciidanka oo isku day dil ka badbaaday

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax Miino oo lala eegtay kolanyo uu la socday gudoomiyaha Maxkamadda Ciidamadda Soomaaliya, Xasan Cali Nuur [Shuute].

Illo wareedyo dhanka ammaanka ah ayaa GO u xaqiijiyey in weerarka uu Arbacada maanta ah ka dhacay duleedka Muqdisho, caasimadda dalka dhaca Geeska qaaradda Afrika.

Shuute ayaa habeenimadii xalay ku hoyday saldhig ay ciidamadda xoogga ku leeyihiin degaanka Ceel Silinki ee gobolka Shabeellaha Hoose, hoostagana maamulka Koonfur Galbeed.

Ceel Silinki ayaa waxaa dhowaan weerartay Al-Shabaab, halkaasi oo ay sheegtay in ay ka furatay saanad ciidan.

Gudoomiye Shuute, oo aabihii ay horey AlShabaab ugu dishay Muqdisho, ayaa la tilmaamay in uu bad-qabo.

Hase ahaatee waxaa illaa iyo haatan aanan la ogayn khasaaraha dhimasho ama dhaawac ee falkan uu sababay.

Qaraxan ayaa kusoo aadaya iyadda oo isla maanta weerar kale oo loo adeegsaday Miino askar ka tirsan ciidanka lagula beegsaday xaafada Taleex, degmadda Hodan ee magaala madaxda dalka.

Ugu yaraan saddex askari ayaa ku naf-weysay qaraxan, halka ay ku dhaawacmeen tirro kale oo aan wali la caymin.

Maleyshiyaadka Al-Shabaab ee gacansaarka la leh Al-Qaacidda ayaa aalaaba looga bartay falalka isugu jira dilalka qorsheysan iyo qaraxyadda lagu beegsaday ciidanka iyo mas’uuliyiinta dowladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka oo Abaabulaya Kacdoon Shacab xili barakicinta dagaal isku bedeshay

Saacado kadib markii mucaaradka iclamaaliyay kacdoonka shacab, xaafadda Warlaliska oo degmada Deyniile katirsan.

  • Soomaliya

    06-05-2026

  • 09:30PM

Jadwalka cusub ee doorashooyinka oo khatar gelinaya wada-hadallada dowladda iyo mucaaradka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horey isugu yeeray isbahaysiga mucaaradka ee "Somalia's Future Council".

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 03:07PM