Gudoomiye ku xigeenada baarlamaanka Jubbaland oo la doortay

Image

KISMAAYO, Jubbaland – Baarlamaanka labaad ee Jubbaland ayaa maanta oo Sabti ah magaaladda Kismaayo ku doortay gudoomiye ku xigeeno rasmi ah.

Aadan Khaliif Xaaji ayaa waxa uu ku guuleystay xilka ku-xigeenka 1-aad ee afhayeenka Golaha Wakiiladda dowlad goboleedkaasi.

Ma jirin musharrax la taagnaa, sidaa awgeed, gacan-taag ayey ku doorteen Xildhibaanadda, isagoo helay codad gaaraya 72.

Cabdi Baaleey Xuseen ayaa dhankiisa loogu shubay guddoomiye ku-xigeenka labaad, kadib markii uu tanaasulay musharraxii la tartamayey.

Mudane Xuseen oo qaab gacan-taag loogu coddeeyay ayaa wuxuu uruur-saday codad gaaraya 73, sidda uu guddiga doorashada shaaciyey.

Xubnahan oo isla goobta lagu dhaariyey ayaa waxay mahad ballaaran u jeediyay sharcidejiyeyaasha, iyaga oo balanqaaday sarreynta sharciga.

Doorashadda Gudoonka baarlamaanka Jubbaland ayaa sidaan kusoo dhamaatay, waxaana 22-ka bishan loo balansan yahay coddeynta madaxweynaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM