Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee baarlamaanka Galmudug oo la doortay

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug - Baarlamaanka labaad ee Galmudug ayaa maanta oo Jimce ah ku doortay magaalada Dhuusamareeb gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golahaas.

Xilkaan waxaa ku tartantay laba murashax oo lagu kala magacaabo; Cabdullaahi Xirsi Maxamed iyo Saadaq Sheekh Yuusuf Ibraahim kana wada tirsan Aqalka Wakiilada.

Guddiga doorashada ayaa ku dhawaaqay in Cabdullaahi uu yahay guuleystaha isla markaana uu helay 59 cod oo kamid ah 89-ka mudane ee dhiibtay codadkooda.

Saadaq oo kaalinta labaad galay ayaa la sheegay in uu helay 29 cod, taasoo la macno ah in uu xumaaday hal cod, sidda laga soo xigtay shaacinta Guddiga.

Maxamed Axmed Gacal ayaa loo doortay afhayeenka xeer-dejinta dowlad goboleedka. Gacal wuxuu horey u soo noqday Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Soomaaliya.

Ku xigeenka labaad ayaa la filayaa in isla maanta la doorto, waxaana jagadaas u taagan in ay qabtaan laba murashax oo la tilmaamay in ay ku jirto haweenay

Kadib codeynta xeer-dejinta, waxaa lagu waddaa in maalmaha soo aadan ay Xildhibaanada doortaan hogaamiyaha afarta sano ee soo aadan majaraha u haynaya maamulka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM