Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee baarlamaanka Galmudug oo la doortay

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Baarlamaanka 2aad ee Galmudug ayaa maanta oo Jimce ah doortay gudoomiye ku xigeenka labaad golahaas kadib coddeyn ku qabsoontay Dhuusamareeb.

Xilkaan oo ay ku tartameen laba murashax oo ay ku jirto haweenay ayaa coddeynta waxaa ka qeybgalay 89 Xildhibaan oo ka tirsan Aqalka Wakiilada dowlad goboleedkaas.

Murashaxiinta oo sheegay in ay ku qanceen natiijadda cod-bixinta ayaa magacyadooda lagu kala sheegay; Faadumo Cabdi Cali iyo Maxamed Sheekh Axmed Maalin.

Faadumo, oo guuleysatay, ayaa heshay 47 cod, halka Maalin, oo kaalinta labaad galay, uu isana helay 41 cod, sidda uu ku dhawaaqay Guddiga doorashada.

Maxamed Axmed Gacal ayaa loo doortay afhayeenka xeer-dejinta dowlad goboleedka. Gacal wuxuu horey u soo noqday Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Soomaaliya.

Cabdullaahi Xirsi Maxamed ayaa ku soo baxay xilka gudoomiye ku xigeenka koowaad kadib markii uu 59 cod kaga badiyey Saadaq Sheekh Yuusuf Ibraahim oo helay 29 cod.

Kadib codeynta xeer-dejinta dowlad goboleedka, waxaa lagu waddaa in maalmaha soo aadan ay Xildhibaanada doortaan hogaamiyaha afarta sano ee soo aadan majaraha u haynaya maamulka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM