Gudoomiye Mursal oo la kulmaya Guddigii la kala diray [Ujeedka]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Afhayeenka Gollaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa kulan gaar ah kula leh xarunta Guddiyada joogtada ah ee Aqalka Hoose, Villa Hargeysa xubnaha Guddiga Maaliyadda, ee uu kala diray Cabdiweli Muudey.

Maxamed Mursal Cabdiraxmaan, ayaa waxaa kulankaan ku wehlinaya ku xigeenadiisa, Cabdiweli Ibraahim Muudey iyo Maxamed Cabdalla Cawad, waxaana lagu wadaa in diiradda lagu saaro xalinta xiisadda ka dhalatay kala dirida Guddiga.

Fahfaahinta ayaa intaas ku dareysa in shirkaan lagu lafaguri doono xaaladihii ugu dambeeyay ee ka dhashay kala dirista Guddiga Maaliyadda oo Muudey sameeyay taasi oo ka dambeysay markii ay soo saareen warbixin musuq-maasuq tooshka ku ifisay.

Qodobadda kale ee miiska saaran waxaa qayb ka ah hadii uu sii jiri karo Guddiga ama gabi ahaanba meesha laga saari doono, inkasta oo kala qayb-sanaan wayn ay ka jirto Guddiga oo labo garab – mucaarad iyo muxaafad – kala ah.

Lama ogga hadii Sideeda [8] xubnood ee Guddiga ku jirta, kuwaasi oo ku adkeysanaysa inuu sii jiro Guddiga ay soo xaadiri karaan ama uu isbedal ku imaan karo mowqifkooda, maadaama dhowr keer ay sheegeen inay sharci daro tahay.

Tobanka [10] xubnood ee kale, maadaama Guddigu 18 ka kooban yahay, dhinacooda waxaa la fahansan yahay inay ka socdaan dhinaca xukuumadda oo lagu eedeeyay inay daba ka riixayso kala dirista Guddiga.

Aqalka Wakiilada rayidka ee Sharci-dejinta Soomaaliya ayaa 75% Xilldhibaanada ku jira waxay yihiin kuwa ka tirsan Gollaha Wasiirada ee uu hogaamiyo Khayre, taasi oo meesha ka saareysa inay wajahaan isla-xisaabtan adag.

Kulankaan ay wada qaadan doonan gudoonka Gollaha Shacabka iyo Guddigii la kala diray ayaa kusoo aadaya xili ay wali taagan tahay xiisada la dhalatay talaabada uu qaaday Muudey, taasi oo baajisay kulamo badan oo Golluhu yeelan lahaa.

Mursal ayaa maalmihii udambeeyay wuxuu ka waday Muqdisho kulamo gaar ah oo badankooda la qaadanayay madaxda ugu sareysa dalka, kuwaasi oo uu diirada lagu saarey doorashada Koonfur Galbeed iyo xiisada Gollaha Shacabka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM