Guri ay leeyihiin qoyska Xildhibaan ka tirsan DF oo ku dumay Muqdisho

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dhisme ka kooban saddex dabaq oo ay leeyihiin qoyska mudane ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa fiidnimadii caawa ku dumay degmada Xamarwayne ee Muqdisho.

Daartaan ayaa kamid ah guriyaha qadiimiga ah ee ku yaala aagaas. Balse, illaa hadda, lama shaacin sababta dhabta ah ee keentay burburka. Howlgalo lagu badbaadinayo dadka ku jiray guriga ayaa socda.

Goobjoogeyaal ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in dhowr qof laga soo badbaadiyey guriga, tirro kelana ay ku hoos jiraan.

Guriga dumay ayaa ku yaala nawaaxiga xarunta degmadda. Sidoo kale, wuxuu ka dhow-yahay Muqdisho Mall iyo Masjidka Marwaas.

Mas'uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir oo tegay goobta ay wax ka dhaceen ayaa ka gaabsaday fahfaahinta khasaaraha.

"Waa musiibo. Guriga halmar ayuu isku dumay. Gaadiidka gurmadka deg-deg ah waxay goobta ka daad-gureeyeen dad badan oo dhaawacyo iyo jabniin ah," ayuu yiri Mukhtaar Nuur, goobjooge la hadlay GO.

Dhismeyaasha ku yaala degmadda Xamarwayne ayaa intooda badan ah kuwa muddo dhisnaa, mana helin wax dayactir ah, waana sababta keentay in ay qaarkood dumaan. Burburkan ma ahan kii ugu horeeyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Balcad: Madaxweynaha wuxuu shir la yeelan doonaa madaxdii hore ee dalka

Shirkan ayaa loo arkaa mid fure u noqon kara yareynta kala fogaanshaha siyaasadeed iyo dhisidda hannaan loo dhan yahay oo lagu wajahayo marxaladda kala guurka ah.

  • Soomaliya

    25-05-2025

  • 11:19AM

Sheekh Shariif oo Dowladda ku Eedeeyay Caburinta Saxaafadda

Xorriyadda hadalka iyo madaxbannaanida warbaahinta waa tiirar muhiim u ah dowlad kasta oo sharciyad leh.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 03:01PM