Guterres oo ka hadlay weeraradii AlShabaab ee Muqdisho iyo Wajeer

Image

WASHINGTON, US – Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa Axadii wuxuu cambaareeyay weeraro ay Al-Shabaab ka geystay Soomaaliya iyo Kenya.

Ugu yaraan 11 ayaa ku dhimatay, 25 kale ay ku dhaawacmeen markii laba qarax ay Sabtiid ka dhaceen magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho.

Ku dhowaad 12 askari oo bileyska Kenya ayaa ku geeriyootay marki qarax Miino lagula eegtay gobolka Wajeer gaar ahaan meel ku dhow sohdinta Soomaaliya.

Dhacdooyinkaasi ayaa waxaa sheegtay dagaalameyaasha gacansaarka la leh Shabakadda balaaran ee Al-Qaacida ee fadhigoodu yahay dalka ugu xeebta dheer Afrika.

António Guterres ayaa wuxuu "falal argagixiso" ku sifeeyay labadaasi weerar, isaga oo tacsi u diray ehelada dadkii iyo askarii ku naf-waaysey.

Weerarka lala beegsaday askarta Kenya waxa uu ka dambeeyay markii saddex kamid ah ciidanka keydka laga afduubtay isla degaanka, Jimcadii.

"Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya waxaan u rajeynayaa in ay si degdeg ah uga soo kabtaan weeraradaasi, waana garab taagan nahay," ayuu yiri António Guterres, sida lagu sheegay war-saxaafadeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM