Guudlaawe oo la kulmay wakiilada Beesha Caalamka

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle, Cali Guudlaawe Xuseen oo Muqdisho kula kulmay Wakiilladda Beesha Caalamka ee fadhigoodu yahay caasimada ayaa ka wadahadlay Arrimaha Doorashooyinka Amniga iyo Bini'aadanimada.

Madaxweynaha oo kulankaan la qaatay Wakiilada Qaramada Midoobe, Midowga Africa, Safiirka EU iyo Urur Goboleedka Igad ayaa uga warbixiyey heshiiska laga gaaray arrimaha doorashada iyo sida ay ugu diyaar gaoowday Dowladda Hirshabeelle isagoo cadeeyay inay qaban doonaan doorasho xalaal ah oo si nabad ah ku dhacda, sidoo kale waxa uu kala hadlay Howlgalada ka dhanka ah kooxda Alshabab ee ka socda Magaalooyinka Hirshabeelle waxa uuna soo jeediyay in howlgadaas ay ku biiraan Ciidamada Amisom.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyey dadaalada Beesha Caalamka ay la garab taagan tahay Soomaaliya isagoo ka codsaday in la garab istaago oo loo gurmado dadka ay dhibaateeyeen Fatahaada Wabiga Shabeelle lagana wada shaqeeyo xal u helida aafooyinka fatahada iyo in la hirgaliyo biyo xireeno.

"Waxaan galabta kulan la qaatay  Wakiillada Beesha Caalamka ee fadhigoodu yahay Muqdisho oo aan ka wadahadlay Arrimaha Doorashooyinka Amniga iyo Bini'aadanimada," ayuu yiri Guudlaawe.

Wuxuu ku daray: "Kulanka aan la qaatay Wakiilada Qaramada Midoobe, Midowga Africa, Safiirka EU iyo Urur Goboleedka Igad waxaan uga warbixiyey heshiiska laga gaaray arrimaha doorashada iyo sida aan ugu diyaar garoownay fulinta heshiiskii Doorashada anigoo u muujiyay inaan qaban doono  doorasho xalaal ah oo si nabad ah ku dhacda, sidoo kale waxaan kala hadlay Howlgalada ka dhanka ah kooxda Alshabab ee ka socda Magaalooyinka Hirshabeelle".

"Waxan u soo jeediyay inay naga caawiyaan fatahaada ee nagu soo noq noqtay si gaar ahna loo caawiyo dadka uu saameeyay fatahaadii dhacday," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay.

Dhankooda, Wakiillada Beesha Caalamka ayaa bogaadiyey guulaha laga gaaray Arrimaha Doorashooyinka, Amniga iyo Arrimaha Bini’aadanimo iyagoo cadeeyay in Dowladda Hirshabeelle ka caawin doonaan xal u helida fatahaadaha iyo caawinta arrimaha bini’aadanimada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM