Guuleed oo sheegay in Farmaajo uusan dooneyn doorasho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Go'aanka guddoonka Aqalka Hoose ee baarlamaanka uu xayiraada ugu soo rogay 15-ka Xildhibaan Golaha Shacabka waxay caddeyneysaa in Farmaajo uusan rabin doorasho, xorriyad iyo dimuqraadiyad, sidda uu shaaca ka dhigay musharax madaxwayne.

Cabdikariin Xuseen Guuleed, hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Sahan oo qoraal ku daabacay bartiisa gaarka ah ee Facebook ayaa sidoo kale wuxuu ku eedeeyay guddoomiyaha Aqalka Hoose, Maxamed Mursal Cabdiraxman, in uu baalaray shuruucda u taala dalka.

Sidda laga soo xigtay Guuleed, mudaneyaasha laga mamnuucay 5-ta kulan soo aadan ee Golaha Shacabka waxaa kaliya loo beegsaday in ay diideen muddo kororsi loo sameeyo Farmaajo.

Farmaajo oo doonaya in dib loo doorto ayaa ku dhowaad laba bilood xafiiska jooga isaga oo muddo xileedkiisa dastuuriga ah uu dhamaadey 8-dii Febraayo ee sanadkan aynu ku jirno ee 2021-ka.

"Waxaan si adag u cambaareynayaa falka lagu doonaya in 15 Xildhibaan ah looga joojiyo ka qeybgalka fadhiyada golaha shacabka, ayadoo sabab looga dhigayo inay muujiyeen dareenkooda iyo fikirkooda ay kaga soo horjeesteen muddo kordhinta sharci darida ah ee loo sameynayo Farmaajo," ayuu Guuleed daabacay.

Wuxuu hadalkiisa ku daray: "Runtii arintani waxay si cad u muujineysaa inuusan Farmaajo dooneynin doorasho, xoriyad iyo dimuqoraadiyo intaba".

"Waxaan gudoonka golaha shacabka ugu baaqayaa inay dhowraan sharciga, xoriyadda mudanayaalka iyo dimuqoraadiyadda gudaha baarlamaanka dhexdiisa," ayuu kusoo gabagabeeyay wasiirkii hore ee amniga Soomaaliya.

Sabtidii tododobaadkan ayay ahayd markii Mursal uu xayiraadda kusoo rogay Xildhibaanadda oo badankooda ah mucaaradka dowladda Farmaajo. Talaabadaas waxay timid saacado kadib markii ay fashiliyeen kulan Aqalka Hoose doonayey in uu kororsi ugu sameeyo Farmaajo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM