Haaruun Macruuf: NISA oo "gudbisay" dacwad ka dhan ah wariyaha VOA

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Hay'adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA ayaa waxay ku dhawaaqdey in ay dacwad ka gudbisay wariyaha laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da, Haaruun Macruuf.

Sidda laga soo xigtay qoraal lasoo dhigay barta gaarka ah ee hay'adda NISA ay ku leedahay mareegaha Twitter-ka, gal-dacwadeedka waxaa loo gacan-geliyey Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.

"NISA waxay u gudbisay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, gungaarka baarista Gal dacwadeedka Haruun Macruuf, si uu uga guto talaabooyinka sharciga ah ee ku habboon," ayaa lagu yiri qoraalka.

Bishaan April 4-teeda ayay ahayd markii NISA ay shaacisay in ay dacweyneyso saxafiga fadhigiisu yahay magaaladda Washington.

"NISA waxay talaabada sharciga ah ee ku haboon ku qaadaysaa Harun Macruf, oo leh xiriiro khatar ku ah amniga Qaranka, kuna kacay falal ka baxsan anshaxa warbaahinta. Waxaan hay’adaha dalka la wadaagaynaa iney ka feejignaadaan xiriirkiisa, soona wargaliyaan laamaha amniga Qaranka," ayaa xilligaas lagu soo daabacay isla bogga Twitter-ka ee hay'adda.

Tan iyo waqtigaas, Haaruun ayaa nan jawaab ka bixin eedeynta iyo hanjabadaadda NISA, wuxuuse helay taageero badan oo kaga timid wariyeyaal iyo siyaasiyiin.

Dowladda Farmaajo ayaa lagu eedeeyay in ay cabsi-gelin iyo caburin joogta ah ay ku hayso wariyaal tan iyo markii xafiiska ay timid. Tani waxay qasabtay in qaar kamid ah saxafiyiinta Muqdisho ay dibadda u cararaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM